Postby XidigtaJSL » Thu Mar 22, 2007 11:12 am
Puntland oo qiratay qasaaro ka soo gaaray dagaalkii Cadaado
--------------------------------------------------------------------------------
()
hadhwanaag 2007-03-22 (Hadhwanaagnews) Maamul goboleedka Puntland ayaa qirey in qasaaro naf uu ka soo gaaray, gawaarina looga qabsaday dagaalo saacado socday oo ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka G/gaduud ee Bartamaha Somalia.
In ka badan 12 ruux ayaa ku nafwaayay Dagaalo qaraar oo saakay ka dhacay degmada Cadaado , iyadoo dagaalkaasi oo dhex maray ciidamo ka socda Puntland iyo kuwa deegaanka ay keentay in halkaasi laga saaro ciidamadii Puntland.
Dagaalkaan ayaa sababay qasaaro soo gaaray ciidamadii Puntland iyo kuwii deegaanka, iyadoo sarkaal sare oo u hadlay ciidamada Puntland ahna abaanduilaha Guutada 7aad ee ciidamada Puntland G/dhexe Daahir Xasan uu qirey in 10 askari ay kaga geeriyoodeen dagaalkaasi.
Sarkaalkaan oo ragga wararka fidiya kula hadlay magaalada Galkacyo ayaa sheegay in kooxo hubeysani ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen, isla markaana halkaasi ay isaga soo baxeen.
Dagaalkaan ayaa sidoo kale ciidamada deegaanka waxa ay kula wareegeen 4 baabuur oo sida la sheegay labo ka mid ah ay saarneyd saanado ay lahaayeen ciidamada Puntland.
Xaaladda Degmada Cadaado ayaa dagan, ka dib markii ay la wareegeen maleeshiyo deegaanka ah iyadoo aysan jirin wax dagaal ah.
HadhwaagNews Media