Postby Niya » Thu Mar 22, 2007 1:32 pm
Afhayeenka Beesha Mudulood Muxudiin Xasan Afrax oo sheegay in aaney Beesha Mudulood wax lug ah ku lahayn dagaalkii shalay Muqdisho ka dhacay.
Posted to the MOL March 22, 2007, 7:36 am
Afhayeenka beesha Muddulood Muxudiin Xasan Ahrah ayaa beeniyay in Beesha Mudullood ay qayb ka ahaayeen dagaalkii shalay Muqdisho lagula galay ciidamada Dowlada KMG Somalia iyo kuwa Ethiopian-ka.
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa dagaal u dhexeeyay dad xasilooni diid ah iyo ciidamada Dowlada KMG.
Mudane Muxudiin Xasan Afrah ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ka dambeeyeen abaabulkiisa Madaxweynihii Hore ee Carta , Dr. Culusow iyo xubno ka tirsan Beesha Cayr.
Afhayeenka beesha Mudullood ayaa si weyn u beeniyay warar ay soo saareen kooxo isku magacaabay Gudiga guurtida Hawiye , oo sheegay in dagaaladii shalay ay u dhexeeyeen Besha Hawiye iyo Ciidamada Qaranka Ummada Soomaaliyeed.
Afhayeenka Beelsha Muddullood ayaa eedeyn weyn u soo jeediyay kooxaha dagaalada Abaabulaya ee ka soo horjeeda nabada iyo xasiloonida magaalda Muqdisho.
Source: Radiofreesomalia