Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Eastern Sanaag secured by Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Eastern Sanaag secured by Somaliland

Postby XidigtaJSL » Fri Mar 23, 2007 5:47 pm

Bariga Sanaag Somaliland Mategi karto Waannu soo Afjarnay (Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag)



Ceerigaabo (Qarannews) Iyadoo aanay jirin mas’uul sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo gaadhey degaannada bariga sanaag gaar ahaan degmada Badhan marka laga reebo wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidammada qaranka Somaliland oo markii ay yimaadden gobolka Sanaag gaadhey meelo ka mid ah degaannada degmada Dhahar ayaa guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Jaamac cabdi Muuse (Gawaafe) wuxu bishan horraanteedii safar shaqo ku tegey meelo ka tirsan degaannada bariga Sanaag oo ay ka mid tahay degmada badhan halkaas oo uu sheegay in si weyn loogu soo dhoweeyey isaga iyo xubnihii ka tirsanaa waxbarashada ee weheliyey isagoo sidoo kalena meesha ka saaray hadalka muddada dheer laysla dhaafi jirey ee ahaa bariga Sanaag gaar ahaan degmada Badhan in aanay tegi Karin xukuumadda Somaliland ama qof xil sare ka hayaa. Isagoo safarkiisaas iyo arrimo kaleba ka warramayana wuxu maalintii arbacada ee 21/3/2007 shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda waxbarashada ee magaalada Ceerigaabo wuxuna hadalkiisii ku bilaabay guddoomiyuhu sidan.

"Aniga iyo Afar kormeere oo waxbarashada ka tirsani sida aad la socotaan horraantii bishan waxannu socdaal ku tagnay degmada Badhan iyo tuulooyinka ay ka mid yihiin Hadaaftimo Yubbe iyo Jiidali ujeeddada socdaalkayaguna waxay ahayd laba arrimood tan hore oo ah iyadoo horeba xidhiidh dhow waxbarasho ahaan aannu la lahayn degaanka bariga sanaag oo sannad kastana kormeerayaashayadu tegi jireen marka ay soo samaynayaan xog ururinta (Data collection Survey) oo ay taageerto hay’adda Unicef haseyeeshee guddoomiye ahaan anigu aanan hore u tegin haddana in aannu soo indho indhayno ama soo qiimayno sida waxbarashadu halkaas uga socoto iyo xaaladda guud ee dadka gaar ahaan macallimiinta iyo tan labaad oo ahayd niman (Minters) ah oo la rabey in ay macallimiinta u dhammays tiraan manhajka la yidhaahdo In-service trainees oo waqtiyada fasaxa lagu tababbaro jaamacadda Burco halka xilliyada shaqadana nimankaas (minters) ah oo ka aqoon sarreeya qorshuhu yahay in ay tuulooyinka ugu tagaan oo macallimiinta manhajkaas u dhammays tiraan, kuwaas oo ahaa niman galbeedka dalka laga soo diray kaddibna khaakhaayir ku dhacay markii ay gaadheen tuulada Yubbe oo six un loogu warramay oo lagu yidhi babuurta ayaa laydinka qaadayaa Iwm kaddibna aniga macallimiintii Badhan joogtey ilasoo hadleen oo ii sheegeen nimankaas (minters) in ay Yubbe joogaan oo macallimiinta ku yidhaahdeen haddii aydaan Yubbe iman ma jirto cid annaga oo idiinku imanaysa Badhan taas oo macallimiintaasi garawsan waayeen iyadoo weliba nimankaasi (minters) ay sidoo kale diideen xataa degmada Fiqifuliye in ay tagaan markii aan nimankaas aniguna la hadlay oo ay igu yidhaahdeen baabuurta ayaa nalaka qaadayaa waxan u sheegay in aan baabuur kale u dirayo iyaguna ay shidaalka ku shubtaan taasna way iga diideen iyagoo yidhi baabuurkaaga ayaannu doonaynaa in aannu raacno sidaas darteed anigoo danaynaya waxbarashada ayaannu go’aansannay aniga iyo kormeerayaashii ila socdey in aanni nimankaas kutubta ay sidaan ka qaadno oo annagu gaadhsiinno macallimiintaas Badhan joogta si ay buwaagta keliya isaga akhristaan maaddaama aan baabuurkaygu na wada qaadi karin annaga iyo nimankaas sidaas ayaannu buwaagtii ugu geyney macallimiintaas". Isagoo hadalkiisa sii watan wuxu intaas raaciyey "Dadka had iyo jeer ku mar-marsooda Sanaag-bari lama tegi karo ama mas’uul ka socda Somaliland ma tegi karo waxasnnu u sheegaynaa in aan waxba ka jirin taas oo aannu soo afjarnay oo annaga oo ams’uuliyiin gobolka katirsan aannu tagnay cid walbana tusayno in la tegi karo horena wasiirkii gaashaandhigga iyo taliyihii ciidanka Somaliland ay tageen meelo ka mid ah degaannada iyo degmooyinka bariga Sanaag halkanina (Badhan) ahayd meesha keliya ee hadhsanayd iyadana anigaa soo dhammaystiray". "Baabuurta xaajiyadaha ee Hargeysa lagasoo dhoob-dhoobay ama rinjiga lasoo mariyeyna kuwo ka qurux badan oo uu ka mid yahay Merchedes-kii ugu danbeeyey ee 2007-ka oo Yurub laga keenay ayay wataan xagga internetka qalabka kale iskuullada iyo isku duubnaantaba (They are higher developed) degmada Badhani waa ka ilbaxsan tahay Somaliland inteeda kale waxannuna mahad ballaadhan uga celinaynaa sidii

wanaagsanayd ee ay noosoo dhoweeyeen gaar ahaan bahda waxbarashada oo uu hoggaaminayey Ayuub Ibraahin Findhe oo meel fog (Haylaan) nagaga hor yimid".

Dhinaca nabadgelyada iyo ciidammada isagoo ka hadlayana guddoomiyuhu wuxu yidhi "Nabadgelyadu waa 100% cidammada Somaliland iyo taliyohooda Yaasiin Cismaanna waa joogaan oo waannu aragnay wax ciidammo Puntland ahna ma aannu arag in kasta oo taliyihii la lahaa Puntland buu ka tirsan yahay isaguna uu na salaamay guud ahaanna degmadaasi waa dayacan tahay Somaliland Puntland iyo Somalia midna waxba kuma haystaan guud ahaanna bulshada degmadaasi waxay nagu yidhaahdeen Somaliland iyo Puntland midna waxba nooma qaban sidaas darteedna annagu ciddii wax noo qabanaysa ayaannu nahay dhibaatada ugu weyn ee aan halkaas kusoo arkayna waxay ahayd ceelkii biyaha ee bulshada Badhan ku nooli ka cabbi jireen oo dadka iyo xooluhuba cabbayaan huubadii warbixintaasna waan u gudbiyey wasiirkii waxbarashada isaguna madaxweynaha ayuu gaadhsiinayaa waxay kaloo bulshada Badhan casumaad u fidiyeen wasiirka waxbarashada taas oo wasiirkuna ka aqbalay".

Dhinaca ardayda macallimiinta iyo dugsiyada isagoo ka hadlayana wuxu yidhi "Ardayda gobolka Sanaag guud ahaan waa 16619 arday taas oo 38.80% yihiin ardayda dugsiyada bariga Sanaag halka macallimiinta inta shaqaalaysan ee bariga Sanaagna yihiin 40 macallin halka macallimiinta tabarruca ee gobolka Sanaag oo ah 303 macallin iyagana 83 ka mid ahi yihiin bariga Sanaag waxa intaas dheer dugsiyadii dawladda iyo kuwo gaar loo leeyahayba oo furan aadna ay u hoamariyeen taasi waxay ku tusaysaa in aan lasii deyn karin ama laga kaaftoomi Karin degaankaas bariga Sanaag".

Intaas kaddib saxaafadda ayaa weydiisey guddoomiyaha su’aalo kooban oo kusaabsan arrimaha waxbarashada isagoo ka jawaabayey su’aal kusaabsanayd in ay jirto dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka oo Puntland wax uga qabatay bariga Sanaag wuxu yidhi "Majirto kumana soo arag wax Puntland u qabatay hadday tahay dhismayaal iskuullo iyo mushaharka macallimiinta iyo wax kale toonna iyaguna waa sheegeen in aan Puntland waxba u qaban".

Isagoo ka jawaabayey su’aal kusaabsanayd cabashooyin had iyo jeer kazoo yeedha iskuulka Secondary-ga Ceerigaao oo ardaydu kaga cawdaan xagga silibiska iyo macallimiinta tayada leh oo aan loo eegin buwaagta ardayda loogu talo galay oo macallimiintu ku takri falaan sidoo kale ardayda oo lacagta laga qaddimo xataa bilaha fasaxa iyo xil iska saarid la’aanta ilaalinta xagga waqtiga iyo ardaydana wuxu yidhi "Intaas aad sheegtay oo dhan waxba kama jiraan waxanna kuu sheegayaa Ceerigaabo cudur ayaa yaal qabyaalad xaasidnimo waxyaabahaas dartood iyo iyadoo qof loo jeedo ayaa suuqa laga abaabulayaa waana waxyaabihii guddoomiyihii hore ee waxbarashada looga beddeley gobolkan Sanaag.

Isagoo ka jawaabayey su’aal kusaabsanayd ardayda oo dugsiyada qaarkood ku tiro badan iyo xilliga imtixaannada oo la sheego arday dhacay in lagu beddelo mid baasayna wuxu yidhi "Labadaas arrimoodba waa jiraan tan hore waxa jira iskuullo aannu dhisnay oo madhan oo ay tegi waayeen ardaydii arrimo la xidhiidha qabyaaladda aan soo sheegay darteed tan kalena maammulayaal hore oo is-dhaafintaas ardayda sameeyey waannu ka casilney shaqadii arrintaasina waa joogsatey".

C/laahi Xuseen Darwiish

Qarannews

Ceerigaabo

User avatar
KUN-DILE
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 894
Joined: Wed Sep 25, 2002 7:00 pm

Re: Eastern Sanaag secured by Somaliland

Postby KUN-DILE » Sat Mar 24, 2007 1:19 am

Another Political Prostitute from Puntland hands himself to Somaliland.


"Dhinaca kalana wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa la sheegaya in dorraad uu halkaasi soo gaadhay gaadhi nooca TOYOTA ah oo uu lahaa badhasaabkii u qaabilsana maamulka Majeerteeniya ee Puntland gobolka Sool, isagoo sheegay inuu isku soo dhiibay dhinaca Somaliland wax war ah oo faah faahsani kama soo bixin badhasaabkaasi isku soo dhiibay somaliland. "
Laughing Laughing


http://harowo.com/2007/03/23/kooxo-male ... omaliland/

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Eastern Sanaag secured by Somaliland

Postby LiQaaye_TDH » Sat Mar 24, 2007 9:07 am

^ Another one Laughing Laughing ?

Kuwan gaardhi kuma hardhin ba, maalin kasta ciidan pumland iya iska soo gaala ceerigabo iyago iibinaya waxay gaadhiyaal watan ba..imaanka alla inaga qaad.............

snm_soulja_18
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 923
Joined: Thu Oct 21, 2004 11:50 am
Location: We Gone Muqadisho Dont Need You Dont Miss You

Re: Eastern Sanaag secured by Somaliland

Postby snm_soulja_18 » Sat Mar 24, 2007 9:46 am

god bless somaliland Cool


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 63 guests