Saraakiisha Uganda: Geedi is suspect on attack of plane
Posted: Sat Mar 24, 2007 7:57 am
Ra'isulwasaarre Geeddi oo garoonka Muqdisho lagu haystay laba saacadood tuhun la xiriiro inuu ku lug leeyahay gantaaladii lala beegsaday.
Muqdisho ,Sabti ,Marso ,24, 2007, Waagacusub Online
Ra'isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa mudo laba saacadood ah lagu heystay garoonka Caalamigga ah ee Muqdisho kadib markii Saraakiisha Ugandheeeyska ay amreen inuusan garoonka ka bixin inta ay ka dhamaaneeyso baaris lagu hayo sababihii riixay soo dhicitaanka labada diyaaradood ee kal hore kal dambe.
Inkastoo Ra'isulwasaaraha iyo wafdigii la socday lagu guuleeystay inay garoonka ka dhoofaan ,markii Madaxweyne Yuusuf soo farageliyay kadib hadana warar hoose oo laga helayo Saraakiisha Uganda ayaa sheegayo inay qabaan tuhuno la xiriiro inu falkaas ka dambeeyay Ra'isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi oo doonayo inaysan Ciidamadda Itoobiya dalka Soomaaliya ka bixin.
“ Diyaaradda waxay keentay khubaro baarayay sababihii riixay inay soo dhacdo diyaaradii hore balse isla diyaaradii kale ayaa mar kale soo dhacday,waxaana la xaqiijiyay in gantaal lagu tuuray uu ku dhacay,taas waxaanu qabnaa inay tahay sidii loo baabi-in lahaa dabagalka ku socda diyaaradaas oo lagu ogaan karo nuuca gantaalka lala beegsaday diyaaradda iyo dowladda sameysay ama haysataâ€sidaas waxaa yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Uganda.
Si kastaba ha ahaatee dabagal xoogan ayaa ku socda burburka isbiirsaday ee labada diyaaradood.