Postby AbdiWahab252 » Sun Mar 25, 2007 10:50 am
Xabsigga Garowe oo la isugu geeyay 314 Ragga oo u dhashay Beesha Hawiye ,lagana soo
aruuriyay goboladda Puntland,qaarkood oo xalay si xun loo garaacay.
Muqdisho ,Axad ,Marso , 25, 2007 , Waagacusub Online
Wararka ka imaanaya Garowe ayaa sheegaya in xalay Xabsigga Magaaladaas la isugu geeyay 314 nin oo u dhashay beesha Hawiye kuwaas oo laga aruuriyay Boosaaso ,Galkacyo iyo Garowe oo ay ku lahaayeen goobo ganacsi,qaarkoodna ay ka shaqeeysanayeen.
Ragaas xamaalatadaa ayaa la soo wariyay in qaarkood si xun loo jirdilay,loona isticmaalay qalabka korontadda ee dadka shooga geliya ,iyadoo la waydiinayay jufooyinka ay ka yihiin Hawiye.
Askari ka tirsan ilaaladda Xabsigga Garowe ayaa sheegay in Ragga Hawiye ee xirxiran qaarkood ay mudo dheer ka shaqeeysanayeen goboladaas balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheego heybtooda.
Tilaabooyinkaas ay qaadeen boliiska Puntland ayaa jawaab u ah falal ka baxsan bini-aadamnidda oo dad qamaamsan ay kula kaceen Askar reer puntland oo qaarkood lagu gubay wadooyinka Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqaneysa in Maamulka Puntland uu askartii lagu laayay Muqdisho ee dagaalka ku jirtay u sameeynayaan aargoosi qabiil taas oo xiisadaha jira ee xasaasiyada qabiil ,cirka sii gelineeyso,iyadoo war la helayna uu sheegay shalay in degaankaas lagu goowracay shan dhalinyaro ah oo u dhashay Hawiye