Tafatirihii Hore ee B.B.ciida yuusuf garaad oo goor dhoweyt lagu amray in uu si degdeg ah uga boxo dalka uganda.[sababta oo faah faahsan]
Warar goor dhoweyt inagasoo gaaray magaalada kambala ee xarunta dalka uganda ayaa sheegaya in Tafatirihii hore ee bbciida laanteeda afka somaliga, yuusuf garaad cumar axmed lagu amray in uu si degdeg ah uga boxo dalka uganda kaddib
Warar goor dhoweyt inagasoo gaaray magaalada kambala ee xarunta dalka uganda ayaa sheegaya in Tafatirihii hore ee bbciida laanteeda afka somaliga, yuusuf garaad cumar axmed lagu amray in uu si degdeg ah uga boxo dalka uganda kaddib markii lagu helay in kulamo siyaasadeed oo qaran diidnimada soomaaliya la xiriira uu la yeeshay hoggaamiye yaasha mucaaradka dalka uganda.
Wararka ayaa intaa raacinaya, in yuusuf garaad amarka la siiyay uu soo ifbaxay kadib markii uu kulamo la qaatay xubno ka trisan baarlamanka dalka uganda oo mucaarad ah isagoo ka dhaadhicinayay in ay sameeyaay rabshado siyaasadeed oo ka dhan ah joogitaanka ciidanka uganda ee dalka soomaliya.
Dowladda uganda oo arinkaa ka warheshay ayaa soo saartay iminka amar la siiyay hoggaamiye beeleedkan saxafiga sheegta in uu dalkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan uga boxo hadii kale uu la kulmi doono cawaaqib xumada ay arrintaasi leedahay.
Yuusuf garaad ayaa dhawanahanba waday dhaq dhaqaaqyo qaran diidnimo ah oo ka dhan ah shacabka iyo dowladda soomaaliyeed,waxaana ay ujeedadiisu tahay in uu dalka soomaaliya dib ugu laabto nidaam daradii iyo kala dambeyn la'aantii uu ku guda jiray in ka badan 15 sanadood oo lasoo dhaafay.
Waxaa hoggaamiye beeleedkan horay loogu ogaa in uu siyaasaddii bbc-da u adeegsaday taageeridda danaha beeshiisa,iyo waliba kooxdii argagixisada soomaaliya ee maxkamadaha islaamka isku tilmaantay.
Barri kala soco carmnooyin.com faalloo yaab leh oo ku saabsan siyaasadaha yuusuf garaad iyo sida ay qaran diidnimadu ugu fogaatay.



