Beesha Murursade oo ka tirsan beelweynta Hawiye ayaa maanta shir wayn ku qabtay Muqdisho, waxayna halkaas kasoo saareen baaq ay ku cadaynayaan mowqifkooda ku aadan xaaladda Muqdisho. Odayaasha iyo wax garadka beeshaas ayaa sheegay inaysan jirin cid Argagixiso ah oo ka tirsan beeshooda, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo Muqdisho ayna ka qayb qaadanayaan nabada iyo horumarka dalka iyo magaaladaba.
Beeshu waxay kaloo cadaysay inaysan u dulqaadan doonin raalina ka ahayn in shacabkooda loogu soo gambado magac dowladeed laguna gumaado, iyadoo looga danleeyahay aargoosi qabiil. Waxayna ka digeen in dagaal wayn oo dhex mara qabaa'isha Somalida mar kale. Baaqaan ayaa kusoo aaday xili beesha Hawiye ay ka biyo diidsan tahay sida uu wax u wado Col. C/lahi Yusuf, waxana la filayaa inuu dhabar jab ku noqdo kornaylka iyo taageerayaashiisa.




