Wafti ka socda EU & Hay'adda soo gaadhay Ceerigaabo
Ceerigaabo (Qarannews) Xubnahan weftiga ah oo ka kala socda EU-da iyo hay’adda German Agro Action (GAA) islamarkaasna ka kooban laba xubnood oo kala ah Mrs. Irris Krebber (GAA East Africa regional Director) iyo Mr. Luciano Mosele (EC Technical Ass. And Agriculture) ayaa duhurnimadii maalinta Isniinta ee 26/3/2007 gaadhey magaalada Ceerigaabo, waxayna xubnahan oo ay weheliyaan Mr. Daniel Bromkal (GAA Erigavo Project Manager) iyo Mr. Abdirizak Mohamed Warsame ( GAA Erigavo Project Coordinator) oo iyagu in muddo ahba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ay isla gelinkii danbe maalintaas xafiiska maayorka degmada Ceerigaabo kulan kula yeesheen madaxda dawladda (Heer gobol iyo Degmoba), halkaas oo xubnahan weftiga iyo madaxda xukuumaddu isku dhaafsadeen xog waraysi kusaabsan socdaalka weftigan iyo waxqabadkoodaba iyagoo xubnahan weftiga ahi sheegay in ay halkaas joogi doonaan muddo saddex maalmood ah, iyagoo madaxda xukuumadduna dhinacooda weftigan uga mahad naqay safarkoodan ay ku yimaaddeen Ceerigaabo, islamarkaasna sheegay socdaalka weftigan in ay ka filayaan midho-dhal wax ka tari doona horumarka gobolka Sanaag.
Ugu horrayn Maayorka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi "Waannu ku faraxsan nahay in aad noo timaaddeen, waxannuna rajaynaynaa imaatinkiinnani in ay wax weyn noo kordhin doonto iyadoo hay’addan GAA in muddo ahba nala joogtey oo samaysay qiimayntii wax qabadkeeda, imminkana diyaar u ah in ay wax noo qabato, idinkana waxannu idinka filaynaa wixii dhiniciinna kaga xidhan hay’addan in aad u fududayn doontaan". Isagoo hadalkiisa sii watana maayorku wuxu intaas kusii daray " Meeshani waa ka fogtahay caasimadda Somaliland ee hargeysa hay’aduhuna waxay jecel yihiin meelaha caasimadda u dhow in ay wax ka qabtaan, taas waxannu rajaynaynaa in aad noo tixgelisaan, hay’adaha kalena noo gaadhsiisaan".
Mr. Luciano (EC Tech. Ass. & Agricul.) oo hadalkiisa la turjumayey ayaa isaguna yidhi "Waxan jecelahay in aan idiinka mahad celiyo sida wanaagsan ee aad noo soo dhoweyseen, imaatinkayagauna wuxu ka marag kacayaa baahida meeshan ka jirta in aannu idinla aragno iyadoo ka fog caasimadda, waxanna idiinballan qaadayaa qiimayntayada iyo caawimadayaduba in ay idiin sii socon doonto, idinkana dhiniciinna waxa laydinka filayaa in aad dedaal samaysaan oo had iyo jeer u qaylisaan in meeshii la yimaaddo oo dadka tustaan inta ay le’eg tahay dhibaatada idin haysata iyo wixii aad soo saari karaysaan iyo weliba waxa loo baahan yahay intaba". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Ngo-yada debedda intooda badani ma oga dhibaatada Ceerigaabo ka jirta laakiin baahidiinna in aad diyaarisaan oo u gudbisaan hay’adaha wax qabanaya ayaa loo baahan yahay, maammul ahaanna waa in ay idinka go’an tahay horumarintu". "Waxan sidoo kale idiinka mahad celinayaa gacanta aad siiseen hay’addan GAA waadna wanaagsan tihiin haddii aad la socotaan sidii wax laydiinku qabanayo waayo annagu mashruucan waa bixinaynaa laakiin mashruuca idinka ayaa iska leh". Ugu danbayn Mr.Luciano wuxu yidhi "dhinaca kalena garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo ayaannu codsanaynaa in maammulku xoogga saaro sidii loo hagaajin lahaa iyadoo ay dhib tahay in waddada dhulka laydiin soo maro halkanina fogtahay oo aan baabuur lagu iman karin, annagoo weliba hay’ad ahaan ka qayb qaadanayna hagaajinta garoonka haseyeeshee gacanta ugu weyn idinka ayaa laydinka filayaa in ay idinka timaaddo".
Mrs. Irris (GAA East Afr. Regional Director) ayaa iyaduna dhinaceeda hadal kooban ka jeedisey kulankaas iyadoo tidhi " Lagasoo bilaabo 1990 hay’adda GAA waa kazoo shaqaynaysey Somaliland haseyeeshee annaga haddii aannu nahay waannu ku cusub nahay halkan (Ceerigaabo), marhaddii ay nagu tahay bilawna waxannu jecelnahay in aannu marba wax ka baranno meeshii sida wax looga qabanayey". Iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas raacisay "Siyaasadda GAA waa in ay caawiyaan dadkii u baahan in la caawiyo, waxa kale oo muhiim u ah nabadgelyada waxayna ka shaqaysaa hay’addani GAA waddammo badan oo kuwa kale aanay rabin in ay tagaan sida Afganistan, Congo, Liberian, World tong countries iyo Somalilan, haddii nabadgelyo la helo gaar ahaanna Deniel-team (GAA Erigavo) waxa naga go’an in aannu idin caawinno oo wax idinla qabanno laakiin tallaabada ugu horraysaa waa nabadgelyada annaguna inta aannu joogno meelihii wax laga qaban lahaa ayaannu soo arkaynaa waadna mahadsan tihiin".
Guddoomiyaha maammulka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo kulankaas ka hadlay ayaa isaguna yidhi " Anigoo u mahad celinaya xubnihiinnan ka socda EU-da iyo hay’adda GAA waannu idin soo dhowaynaynaa diyaarna waannu u nahay in aannu idinkala qayb qaadanno waxqabadkiinna". Dhinaca nabadgelyada isagoo ka hadlayana guddoomiyuhu wuxu yidhi "Ilaalinta nabadgelyada ee hay’adda GAA annaga ayay noo fiican tahay iyadoo meel kastana wax ka dhici karaan laakiinse gobolkani waa ka nabad qabaa hay’adaha in lagu waxyeelleeyo, waxana muhiim ah madaxda hay’addan GAA ee halkan joogtaa in aaannu isla fahamno nabadgelyada iyo in aannu ognahay marka ay meel u baxayaan oo ay nasoo ogaysiiyaan kahor inta aanay bixin, gaar ahaan Project Manager-ka (Mr.Daniel), mana doonayno wax aan GAA diyaar u ahayn in aannu ku qasabno laakiin wada shaqayntu waa muhiim". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas raaciyey "Dhinaca garoonka dareenka aad ka aragteen iyo gacanta aad ka geysanaysaanba waannu idiinku mahad celinaynaa annaguna dhinacayaga waannu ka qayb qaadanaynaa".
C/laahi Xuseen Darwiish
Qarannews
Ceerigaabo.



