Postby XidigtaJSL » Tue Mar 27, 2007 5:19 pm
Establishment of Somaliland war crime tribunal
Arrintaa aad kaga dhawaajisay ee hore qaar kale iyo aniguba wax ka shaacinay, maanta, maalin ay kaga haboon tahay (straateejiyad siyaasadeed iyo cadaaladeed ahaan) in Somaliland laga furo Maxkamad u gaar ah Dembiyada Waxashnimada iyo Gumaadka ummadeed ee shacbiga iyo dalka Somaliland laga galay ma jirto.
Guulaha furitaanka Maxkamadan la socda, waxa ka mid ah:
1. In dhagarqabeyaashii iyo dembiilayaashi shacbiga iyo dalka Somaliland ka galay dembiyada waxashnimada ee gacanta lagu hayo iyo kuwa iyagu iskeena maxkamada, waa in sharciga la soo taago; kuwa ka baaqsada maxkamada iyo kuwa aan la soo qaban karin, waa in xukun ka maqnaanshe maxkamadeed lala tiigsado (sentence of absenteism).
2. In furitaanka maxkamadani, ay fursad u noqon doonto in ay aakhirataankii cadaalad helaan eheladii iyo qoysaskii dadkooda la xasuuqay.
3. In furitaanka maxkamadani, ay keeni doonto in kumanaanka boqol ee marxuumiinta la xasuuqay ee lagu guray xabaalo wadareedyada, si hab Diinta iyo Dhaqanka waafaqsan oo xafladeysan oo marti sharaf ajenebi oo goob joog looga dhigay loo aaso.
4. In furitaanka Maxkamaddani, ay kelifi doonto in dembiilayaasha qaar ee ku jira waxa lagu sheegay KMG ee Somalia ay siyaasad ahaan u dhamaan doonto, xil dambena aaney ka qaban karin Somalia iyo meel kale toona.
5. In Maxkamaddu, ay waaran maxakameed u jarto dembiilayaasha qurbaha jooga lana xidhiidhi doono dowladaha dalalka ay ku sugan yihiin.
6. In furitaanka maxkamaddani, ay caalamka u shaacin doonto, gumaadkii loo geystay shacbiga iyo dalka Somaliland taasoo sii xogeyn doonta qadyada iyo jiritaanka Somaliland.
7. In furitaanka maxkamaddani, ay sii shaacin doonto sababaha keeni kara qaadicida isa soo hor fadhiisiga wada hadalleed ee lagu dirqinayo inay Somaliland la gasho dowlad ku sheega KMG ee Somalia maadama qaar ka mid ah madaxda sare ee xukumad ku sheegaasi, ay mas'uul ka ahaayeen dembiyada waxashnimada iyo gumaadka ahaa ee laga galay shacbiga iyo dalka Somaliland.
8. In furitaanka maxkamaddani, ay si weyn u shaacin doonto waxyaabihii keenay burburkii midnimo ku sheegi aanu Somalia la galnay, gumaadkii waxashnimada ahaa ee qorsheysnaa, halgankii dheeraa ee qadhaadhaa ee aanu somalia la galnay, waxyaabihii keenay gooni isu taageena, xoriyadda aanu maanta haysano, iyo iwm taaso derbi adag u noqon doonta midnimada la inagu dirqin rabo iyo ku adkeysiga qadyada iyo jiritaanka somaliland.
9. In furitaanka maxkamadani, ay tahay xaq iyo cadaalad lala raagay; iyo , Warfaafin, Wacyigelin, iyo barobagaande muhiim ah oo la xidhiidha qadyada iyo jiritaanka Somaliland.
Hadaba, su'asha meesha taala, waxa weeye;
XUKUMADDA , GOLAYAASHA, XISBIYADA, IYO MAS'UULINTA SOMALILAND; MA KA FAA'IDEYSAN KARAAN FURSADAN DAHABIGA AH EE CADAALADU KU JIRTO EE WAX WEYN KA TARI DOONTA QADYADA, IYO JIRITAANKA, IYO AQOONSIGA SOMALILAND?
Arrintuna, waxay taagan tahay, yaa maali jirayey!!
Guul iyo Gobanimo,