Wararka nagasoo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyadkii laga keenay gobolka Gedo ay bilaabeen inay ka baxsadaan dowladda Embagathi. Maleeshiyadan ayaa ka faa'idaysanaysa baaqii nabada ahaa ee odayaasha Muqdisho ay u jeediyeen, maleeshiyaadka in la magan galin doono, isla markaana la siin doono jiscin ay ku aadaan meeshii ay doonaan, hadii ay kasoo tagaan Col. C/lahi Yusuf.
Gudigii odayaasha Muqdisho ay u saareen inay soo dhaweeyaan maleeshiyaadka qabaa'isha ayaa ku guulaystay inay magan galiyaan maleeshiyo fara badan oo kasoo goosatay dhanka Embagathi. Ilaa dhowr boqol ayay dhan yihiin maleeshiyadka hubkoodi iibiyay oo isku dhiibay odayaasha Muqdisho ama magaalada dhinac ka galay. Sicirka hubka ee Muqdisho ayaa aad u dhacay kadib markii maleeshiyo fara badan ay iska iibiyeen hubkooda. Col. C/lahi Yusuf oo ku fashilmay qorshihii uu u bixiyay "Sifeynta Muqdisho" ayaa hada bilaabay inuu la shiro dadka uu is lee yahay waad wadan kartaa.




