Mogadishu is under control of TFG
Posted: Thu Mar 29, 2007 5:23 am
TFG forces and Ethiopians kicked terrorists out of Mogadishu today now they are searching house to house to those who hide
behind women and children
________________________________________________
Muqdisho:"Saacadaha soo socda waan soo af jareynaa dagaalada ka socda Muqdisho" Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay dagaalada
29. Mar 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Muqdisho(AllPuntland)-Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Maxamed Maxamuud "Gacma Dheere" ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho isagoo sheegay in guud ahaan magaalada Muqdisho ay gacanta ugu jirto dowladda Federaalka wuxuuna sheegay in saacadaha soo socda ay soo afjari doonaan ciidamada dowladda iyo saaxiibadood Itoobiya inta harsan.
"Dagaalada saakay ka bilowday magaalada Muqdisho waxay qeyb ka yihiin howlgalada dowladda ay ku islaaxineyso caasimada waxaana cadeyneynayaa in howshu ay u socoto sidii loogu talagalay" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gacma Dheere oo saxaafada la hadlayey.
"Muqdisho waa mid haatan inta badan gacanta ugu jirto dowladda, waxayna ciidamada dowladda ay ku guuleysteen in ay eryaaan dhamaan kooxihii dowlad-diidka ahaa, waxaana filayaa in saacadaha soo socda la soo afjaro howlgalada ciidamada dowladda wado" ayuu sii raaciyay Gacma Dheere.
Wasiirka arrimaha gudaha waxaa kaloo uu sheegay in kooxihii ka soo horjeeday dowladda ay kala carareen isla markaana aysan jirin meel ay ku sugan yihiin oo la ogsoon yahay iminka.
Gacma Dheere ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay guryahooda ku jiraan oo aysan banaanka u soo bixin inta howlgalka laga soo afjarayo oo waqti gaaban kadib soo gabagaboowaya.
Dhanka kale waxaa haatan duqeyntii ka socotay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay u weecatay dhinaca miisaanka dhuxusha walow ay hakad geliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya waxaana socda madaafiicda taangiyada laga tuuro iyo PM-ka oo si xoogan loogu garaacayo goobo cayiman oo ay ku harsan yihiin kooxaha kasoo horjeeda dowladda.