pushed back??even the mouthpieces of islamic courts are reporting that ethiopian troops are on the march south moqadisho is atlast liberated nomore habardigir
Dagaalo xoogan oo salaadii subax ka dib ka bilowday Muqdisho
Click here to find this article in english
Mogadishu 29, March.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo xoogan oo la isku adeegsanayo madaafiic iyo hub culculus ayaa saakay waabarigii salaadii subax ka dib waxa ay ka qarxeen qeybo ka mid ah caasimadda Somalia, iyadoo dagaaladaasi ay soo qaadeen ciidamada Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda.
Hugunka madaafiicda iyo rasaasta culus ayaa laga maqlayaa agagaarka wasaaradii hore ee G/dhigga iyo xaafadaha shirkole, iyadoo halkaasi ay soo galeen kumanaan ciidamo Ethiopian ah oo wata taankiyo fara badan, waxaana ay jiireen maleeshiyooyinkii ka soo horjeeday ee ku sugnaa halkaasi sida uu shabelle u sheegay Wariye Madax banaan oo la yiraahdo Max'ed Bashiir oo ku sugan halkaasi, indhihiisana ku arkayay xoogagga Ethiopian ka.
Ciidamadan Ethiopianka ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 2 kun oo aysan la socon wax Somali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isku sii balaarinayaan xaafadaha shirkole, iyagoo halkaasi kala kulmaya iska caabin aad u xoogan, waxaan rasaaas culus wali ay ka dhaceysaa deegaanka Shirkole.
Sidoo kale dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka qarxeen saakay wadada Xamar bile, halkaasi oo laga maqlayo rasaas xoogan iyo madaafiic ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Sida uu ku soo waramayo Wariye C/raxmaan Alcadaala oo ka mid ah shabakada warbaahinta shabelle, ciidamo Ethiopian ah oo aad u xoogan ayaa waxa ay la wareegeen wadada Xero Jarmalka iyo warshadii Caafi, ciidamadaasi oo wata taankiyo ayaa waxa jareen wadada isku xirta Towfiiq iyo Suuqa Bakaaraha, mana jiro wax gaadiid Bl ah oo wadadaasi ka shaqeynaya.
Dagaaladaan oo ilaa iyo wali soconaya ayaan la ogeyn qasaarahooda, iyadoo laga cabsi qabo in ay wada saameeyaan caasimadda Somalia.
Hub wali aan horey loo maqlin ayaa saakay la isku adeegsanayaa dagaalada ka soconaya caasimadda Somalia, iyadoo dadkii ka barakacay Muqdisho ee ku soo laabtay ay saakay xir xiranayaan alaabahoodii.
Dagaalkaan bilowday saakay ayaa jabiyay xabad joojintii horey uga jirtey caasimadda oo ay gaareen odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha ciidamada Ethiopia.
Waxii ku soo kordha kala soco shabelle.net
Click here to find Shabelle news in english