Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Is abaabul xoogan oo ka socda xaafado ka mid ah Muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Is abaabul xoogan oo ka socda xaafado ka mid ah Muqdisho

Postby Hiiraan boy » Thu Mar 29, 2007 6:51 pm

(SomaliNet) Kadib markii ay saakay aroortii ay ciidamada Ethiopia howlgalo ka bilaabeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxo aad u hubeysay oo ka soo hor-jeeda ciidamada shisheeye ee dalka jooga isla markaana xaalada magalaada ay noqotay goob dagaal ayaa waxaa ka socda xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho is abaabul dagaal oo looga soo horjeedo howlgalada ay ciidamada Ethiopia saakay ku dhaqaaqeen.

Xaafadaha suuqa xoolaha iyo Ex, Controlkii hore ee Balcad ayaa waxaa ka socda is abaabul dagaal kii ugu xooga badnaa ee maal-mahan dambe laga dareemo magalada Muqdisho, kadib markii saakay aroortii lagu arkay qeybo badan oo ka tirsan xaafadaha Muqdisho ciidamo Ethiopian- ah oo wata taangiyo iyo hubka culculus, kuwaasoo la wareegay gacan ku heynta xafadaha qaar, waxayna taasi soo dedejisay in dadka Muqdisho ku dhaqan ay bilaabeen inay iska caabiyaan ciidamada Ethiopia ee howlgalada ka wada qeybo ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo madaafiic aan loo meel dayid isaga tuuraya magaalada Muqdisho, iyadoo ay sababtay dhimasho iyo dhaawac xoog leh.

Agagaarka wasaaradii hore ee gaashandhiga ayaa maanta mar kale uu dagaal ka qarxay, iyadoo uu hakad galay isku socodka gurmadka ciidamada Ethiopia ee ku sugan agagaarka Warshadaha, Isbartiibada iyo Towfiiq, iyadoo xaaladu ay tahay mid ka sii dareysa xiliba xiliga ka dambeya, waxaana lagu soo waramayaa in uu sii kordhayo qasaaraha dagaalka.

Dhawaqa rasaasta Madaafiicda ayaa waxaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho si aan ciidi ahayn, iyadoo aan loo aabayeeleyn meesha lagu ridayo iyo cida loola dan leeyahay, waxaadna moodaa in ciidamada Ethiopia ay la dagaalamayaan dhamaan dadka ku nool magaalada Muqdisho oo ay u arkaa inay yihiin cadowgooda, waxaana soo badanaya dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka soo gaaraya,waxaana deegaano badan ku soo ku soo kordhaya kooxo si weyn u hubeysay oo ka soo hor jeeda howlgalka ay ciidamada Ethiopia saakay ka bilaabeen magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa sii badanaya dadka ka qaxaya magaalada, iyadoo ay tahay mid ay xaaladeedu sii xumaaneyso magaalada Muqdisho oo ayna jirin cid isku aamini karta marka aad eegto xaalada ay maanta ku sugan tahay magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid ilaa iyo iminka isku dayday in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ay meesha ka baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay wada galeen odoyaasha beelaha Hawiye iyo sarakiisha ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 13 guests