Wararka naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in caaway ay fadhiyaan saraakiishii xoogg dalka Somaliya intooda ku sugan Muqdisho, ayna dajinayaa qorshayaal dagaal oo kala horaaya. Waxa ka mid ah qorshihii lagu soo qabqaban lahaa ciidamada Tigreega ah ee ku go'doonsan garoonka Istaadiyo Muqdisho ama lagu layn lahaa halkooda haddii ay isdhiibi waayaan. Qorshahaan ayaa waxa xigi doona mid lagu aamusinayo madaafiicda kasoo dhacaysa xarunta Villa Somaliya iyo W. Gaashandhiga. Qorshaha lagu aamusinayo madaafiicdaas ayaa lagu sheegay...
in xoog lagu gali doono xeryahaas lagana saari doono Tigreega halkaas ku jira. Saraakiisha Xoogga dalka ayaa hagayay qorshihii maanta lagu jabiyay ciidamada Tigreega. Saraakiishaan ayaa amray inaan la taaban ciidamada Tigreega ilaa ay gudaha usoo wada galaan magaalada, kadibna lagu go'doomiyo marka aysoo gaaraan goobo loo cayimay. Qorshahaas ayaa lagu guulaystay maanta, waxayna saraakiishu hormuud ka noqdeen maanta jabkii soo gaaray ciidamada Tigreega oo loo dhigay cashar lama iloobaan ah. Haddii lagu guulaysto qorshahaas ayuu noqon doonaa mid horseed u noqda xoraynta dalka. Waxaanan u rajaynaynaa umadda Soomaliyed guul iyo xorayn dhamaystiran oo dalkooda ay usoo hoyaan.



