Jananka u Sareeya Ciidanka Itoobiya Oo Xabad Joojin Uu Codsaday Laga Diiday
Warar lagu kalsoon yahay oo ilo xog agaal laga helayo ayaa ku waramaya in Janaraal Gabre oo isagu ah taliyaha ciidanka Tigreega ee Soomaaliya ayaa fariin uu usoo diray odayaasha Muqdisho kaga codsaday in dagaalka la joojiyo si uu ciidankiisa ula baxo, laakiin odayaasha arrinkaas kaga jawaabeen in uu isagu yahay ninkii laga kari waayey inuu dagaalka joojiye kuna hanjabay in jidka loo furo ama uu cagta marinayo dadka kasoo horjeed.
Jananka ayaa mar walba soo diraya fariimo cusub, iyadoo ciidankiisa qaar badan ay ku go'doonsanyihiin garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdisho, kuwaasoo dhaawac iyo dhimasho xoog leh soo gaartay rasaastuna gabaabsi kasii tahay. Diyaaradaha Helicopterska ayaa duqayn wayn kuwada aagaas iyagoo doonaya in ay ciidankooda ka waabiyaan in gudaha loogu galo halka ay joogaan,. Ciidankii gurmadka ahaa ee dhinac wasaarada gaashaandhiga ka yimid ayaa iyagu soo dhaafi la'a xeradda jarmalka dusheeda halkaasoo jilibka loogu laabay.
Ruux aagaas ku sugan ayaa goobjoog.net u sheegay inuu arkay lix askari oo mayd ah iyo baabuur Ural ah oo olalaya. Taangi silsiladuhu ka go'een oo aagaas yaala ayey isku deyeen dhowrjeer in ay jiitaan waana ay ku dhici la'yihiin. Isku soo duuduubo ciidanka gumaysiga waxaa maanta soo gaaray jabkii ugu waynaa iyagoo soo qaaday weerarkii ugu ba'naa.




