DF oo la wareegtey gacan ku heynta goobo cusub
31 Mar 31, 2007 - 2:34:25 AM
Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in duhurnimadii maanta ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay ku guuleysteen in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanadii saakay la isku hayey ee Xamar Bile, Cali Kamiin, Xararyaale, Baar Ayaan iyo agagaarka saldhiga Wardhiigley.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia aysan jirin cid haatan dagaal kula jirto oo xaaladu ay degan tahay waxayna ciidamadii kale ee ka soo horjeeday ay u dhaqaaqeen dhinaca wadada Curyaamiin iyo isgoyska Toowfiiq halkaasi oo ay ka soo ridayaan madaafiicda garbaha laga tuuro iyo rasaasta kala duwan, walow xiligan dagaal xoogan uusan socon.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DF ayaa lagu soo waramayaa in ay isku fidiyeen xaafada Wardhiigley Cali Kamiin, Baar Ayaan taasoo sahashay in ay isku furanto xarunta Xisbiga ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Afhayeenka dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen deegaanadii la isku hayey isla markaana ay kala carareen kooxihii kacdoonka waday, wuxuuna intaa raaciyay in inta harsan saacadaha soo socda ay dhameystiri doonaan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa xaafdaha ay la wareegeen ku haya baaritaano.




