Page 1 of 1

20.000 NEW ETHIOPIANS TO MOGADISHU

Posted: Sat Mar 31, 2007 5:13 pm
by COSTA
CIIDAMO ITOOBIYAAN OO KU SII JEEDA MAGAALADA MUQDISHO OO KA GUDBAY GOBALKA HIIRAAN.
(HOL) Ciidamo ku hubeysan Gawaarida Dagaalka oo ay ka mid yihiin Taangiyo iyo qalabka Biim'emka ayaa ka Gudbay gobalka Hiiraan iyaga oo u sii jaheystay watada dheer ee gasha dhinaca magaalada Muqdisho.

ciidamada oo saacadihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaanka Kala-beyr ayaa markii hore dadku u heystay in ay ku soo wajan yihiin gudaha magaalada, lakiin taa ayaa meesha ka baxday kadib markii ciidamadu dhamaatood mareen Duleedka deegaanka Jante-Guundisho, waxaana wararka ka soo baxaya deegaanadii ay sii mareen ciidamadu ay sheegayaan in mar marka qaar ay ku hakanayeen iyaga oo cidna la hadlin lakiin u muuqda kuwa iska hubinaya amaanka goobta ay joogaan iyo waliba deegaanada ka sii horeeya.

Ma'aha oo kaliya ciidamada Itoobiya ee ku sii jeeda Magaalada Muqdisho kuwan ka gudbay gobalka hiiraan ee xitaa wararka soo baxaya Gobalka Bakool ee dariska la ah gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ay jiraan ciidamo xoog leh oo halkaa lagu arkay kuwaasoo loo maleynayo in ay ku biirayaan ciidamda ku sii qul-qulay caasimada muqdisho oo uu dagaal qaraari ka socdo.

Re: 20.000 NEW ETHIOPIANS TO MOGADISHU

Posted: Sat Mar 31, 2007 5:29 pm
by COSTA
KAX KAX KAX

TOMORROW THERE WILL BE WAR IN MOGDISHU

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing