Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/04/07
Kadib markii ay ciidamada Itoobiyaanka ka soo guureen degaanada CeelCirfiid, Calyaale iyo suuqa Dermooley ayaa waxaa gacan ku heynta degaanadaasi la wareegay ciidamo lagu sheegay inay ka soo jeedaan degaanadaasi.
Mid ka mid ah dhallinyarada ku dhaqan CeelCirfiid oo u waramayay Shabakadda Somaliweyn ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ee hore halkaasi u degenaa ay isaga guureen goobihii ay ka degenaayeen wadada u dhaxeysa Balcad iyo Xamar, sidaas darted ayuu sheegay in dadka degaanka ay ka cabsi qabaan in dagaaladu ku soo fidaan degaanadooda.
Ciidamada la wareegay Ceelcirfiid iyo nawaaxigiisa ayaa walaac laga muujiyay, kadib markii lagu arkay halkaasi mid ka mid ah Golihii Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah, isla markaasna ahaa Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sh/dhexe u qaabilsanaa Maxkamadaha Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo isagu hoggaaminaya ciidamadaasi.
muslimamuslimamuslimamuslima
Dhinaca kale la wareegida degaanadaasi ciidamada Macallin Xaashi ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ay ciidamada Itoobiyaanka faarujiyeen degaanadaasi oo ay degenaayeen dhowr bilood, iyadoo dhinaca dowladda aanay ka hadlin la wareegida Macallin Xaashi, waxaana welwel laga muujiyay in degaanada u dhaxeeya Balcad iyo Xamar ay noqoto aag dagaaleed cusub oo ay ku hardamaan ciidamada Dowladda iyo haraagii Maxkamadaha.
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com
Somaliweyn Media Center
Somalia - Muqdisho



