2000 kun oo Ciidamada Itoobiya oo ku soo food leh Laasqoray maalmaha soo socda
Warkii 02-Apr-2007 iyo Qormadii: Muuse Ahmed
Heshiiskii ay soo kala galeen waftigii uu hogaaminayey Madaxweyaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse iyo Dowlada Itoobiya waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu soo heshiiyey in 4000 oo ciidamada Itoobiya ay yimaadaan Puntland.
4000 kun ee Ciidamada Itoobiya waxay kala degi doonaan labo xero oo kala aha Garoowe iyo Laasqoray waxaana la sheegay in ay wax ka qaban doonaan nabada gobolada Puntland iyo in ay tababar siin doonaan Ciidamada Daraawiishta Puntland.
2000 kun oo ka mid ah Ciidamadaa waxay iman doonaan maalmaha soo socda Degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag lamana garanayo sababta dhabta ah ee ay halkaas u imanayaan madaama ay Laasqoray ka mid tahay degaanada Puntland kuwa ugu Nabada badan.
Mar aan caawa xiriir la samaynay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag waxay noo sheegeen in Ciidamadaa loo keeni doono sidii loo guran lahaa kheyraadka ku jira Degaamadaas oo hada ka hor uu dagaal ku dhexmaray maamulka iyo Ciidamada Degaanka.
Dhinaca kale waxaa la sheegey in ay ka mid tahay qorshaha maamulka oo ka soo hor jeeda in la hirgeliyo Dekeda Laasqoray sidaas awgeedna la keeno ciidamo ka hor taga in la hir geliyo dekada.
Muuse Ahmed
afnugaalnews
info@afnugaal.com




