Nairobi(AllPuntland)-Dawladda federaalka Soomaalia ayaa ballan qaadday inay horay u dhaqaajinayso qorshaha nabad galyada caasimadda Soomaaliya iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Shir jaraa'id oo uu magaalada Nairobi ku qabtay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in dawladda ay ka adag tahay inay gacanta ku qabato ammaanka magaaalada Muqdisho oo xaalad ammaan daro maalmihii na dhaafay ay ka jirtay.
" Waxaan jeclahay in dawladda federaalka ay u istaagayso sidii xooggeeda ay isugu gayn lahayd nabadda Muqdisho " ayuu yiri Maxamed Cali Nuur.
Wuxuu sheegay safiirku in dawladda Soomaaliya ay xilli hore amar ku bixisay in malleeshiyaadka iyo haraagii maxkamadaha ay isaga baxaan dhismayaasha dawladda , halkaasi oo uu ku sheegay inay kooxahaasi kasoo weerari jireen dawladda iyo ciidamada kuwa nabad ilaalinta.
Wuxuu xusay masuulkan in raysulwasaaraha Soomaaliya uu u duulay Muqdisho maanta si uu ula kulmo xubnaha beesha Haweiye iyo odayaasha magaalada oo ay ku jiraan xubnaha baarlamaanka.
" Dawladda federaalka waxay beelaha iyo jifooyinka Muqdisho kala hadlaysaa sidii nabadda loo sii amba qaadi lahaa" ayuu yiri Amb: Maxamed Cali Nuur.
Wuxuu ugu danbayntii sheegay masuulkan inuu aad ugu rajo wayn yahay in xilli wanaagsan uu abuurmi doono, kaasoo bulshada u horsedi kara nabad inay ku noolaadaan caasimadda Soomaaliya.
CCC Farayaamo
AllPuntland.




