Is abaabul dagaal oo u dhaxeeye beelaha Hawiye iyo ciidamada Itoobiya oo Muqdisho laga dareemayo iyadoo ay xabaduna bilaaban karto xilli kasta
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta laga dareemayaa is abaaul dagaal dhexmara ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Hawiye ee kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho.
Wararka aan ka heleeyno aagagga wali la isku hor fadhiyo ayaa sheegaya in xoogagga kacdoonka Muqdisho ay ku jiraan hub uruursi xooggan iyadoo ciidamada Itoobiyaanka la sheegayo ineey gurmad hor leh ka helayaan ciidamo hor leh oo soo gaaray Muqdisho.
Heshiiskii xabad joojinta oo wada hadalakiisii maanta maalintii labaad la filayo inuu dhexmaro Saraakisha Itoobiya iyo odayaasha Hawiye ayaan wax rajo ah oo weyn laga fileyn maadama ay saraakiisha Itoobiyaanka ah oo wadahadalka kula jira odayaasha Hawiye ay sheegeen in amarka ugu sareeya ee ah in Itoobiyaanku degaan goobo cusub oo Muqdisho uu ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya sidaa aawgeedna qodobka ay odayaashu wataan ee ah in ay ciidamada Itoobiya ka baxaan meelihii ay qabsadeen ay ku xiran tahay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya .
Nin ka mid ah odayaasha Hawiye oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in aan dagaal la hureeynin o uu xilli walba bilaaban karo isagoo rajeeyey in ilaah la garab galo xoogagga difaacanaya dhulkooda iyo sharfkooda.
Maxamed Cali Shirwac
shirwac@ceelbuurnet.com




