Postby Hiiraan boy » Thu Apr 05, 2007 8:04 am
Xuseen Ceydiid oo ku biiray xubnaha kasoo horjeeda Siyaasada Dowlada KMG ee ku sugan dalka Eritrea.
Muqdisho, Khamiis, April 5, 2007 Simba Radio
Xubno uu ka mid yahay Ra'iisal-wasaare K/xigeenka Somalia ahna Wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Gudoomiya Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga ah ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xalay gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Xildhibaan Saleybaan Colaad Rooble oo kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somalia ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ayaa sheegay in Xuseen Ceydiid uu kusoo biiray xubnaha uu hogaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ee olalaha ka dhanka ah siyaasada Dowlada KMG Somalia ka wada dalalka dibadaha.
Saleybaan waxuu sheegay in Xuseen Ceydiid uu xilkii Wasiirka arrimaha gudaha ku waayay kadib markii uu fashiliyay sir u qarsooneed Dowlada KMG Somalia isla markaana uu gaaray heer la yiraahdo waa nin waalan sida uu hadalka u yiri.
Ra'iisal-wasaare K/xigeenka Somalia ahna Wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa tan iyo markii xilkii Wasiirka arrimaha gudaha laga qaaday la waayay hadalkiisa iyadoo manta lagu soo baraarugay isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Lama oga sababta xiligan ay halkaasi u gaareen Mas'uuliyiintaas, hase ahaatee ma ahan wax cusub joogitaanka wafdiga Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka laakiin waxaa tan dad badan ay isweydiinayaan sababta keentay in ay ku biiraan wafuuda ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Midowgii Maxkamadaha iyo Xuseen Caydiid oo ah Wasiir ka tirsan DF.