Badhan : waxa todobaadkan horraantii magaalada Badhan booqasho gaaban kusoo gaadhey wasiir ku xigeenka wasaaradda dibu dejinta ee maamulka la magac baxay Somaliland Md.C/xakiim Maxamuud Calishire.
Wasiirku ku xigeenku waa xiligii ugu horreysey ee uu booqasho ku yimaaddo tan iyo intii xilka loo magcaabay oo ahayd dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay . safakiisa ayuu wasiirku ku xigeenku ku micneeyey inuu u kuur galo xaaladda horumar ee gobolka .
sida uu sheegay wasiirku xigenku waxa sanadkan ku soo fool leh mashaariic ka imanaysa dhanka SL , waa sida uu hadalka u dhigaye.
safaka wasiirka ayaa kusoo beegmay xilli ay sidoo kale kormeer ku tageen magaalada Laasqoray iyo xeebaha ku dhow wasiirro ka socda maamulka Puntland. taasoo u muuqata in weli la isku jiid-jiidanayo gobolkan.
LaasqorayNet