tfg secretary of state, buuba is standing for elelctions in somaliland's presedential race. his party is called the united and progressive party of somalia. pray he wins.
Warar aanu ka helay ilo ku dhowdhow Ra'iisal Wasaare ku xigeenka/Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya Mr Ismaacill Hurre Bubaa ayaa noo xaqiijiyey inuu ku talo jiro siduu ugu soo noqon lahaa Somaliland ugana samayn lahaa xisbi cusub oo ka mid noqda xisbiyada Somaliland.
Xisbigan cusub oo loo bixiyey URURKA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOOMALIYA, loona soo gaabiyey(WADANI), ayaa lagu wadaa in sida ugu dhakhsaha badan lagaga dhawaaqo Magaalada Hargaysa.
Siyaasi ka mid ah gudida qabanqabinaysa xisbigan Mr Buuhaa ee WADANI, haseyeeshee codsaday inaan la magacaabin ayaa xaqiijiyey ina Wasiirku quus ka yahay dowladan cabdulaahi yusuf. Madaamoo ay Dowlada Cabdulaahi Yusuf ku kacday ayuu yidhi siyaasigaasi falal aad iyo aad u xun kana baxsan bini'aadanimada sida: xasuuqa iyo waxyeelaynta shacabka ******, taasoo iyadu si gaara u taabatay buubaa oo ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee ka dhiidhiyey in shacab loo xasuuqo si gaar ahaaneed, ayaa ku keliftay Mr Buubaa inuu dib ugu noqdo Hargaysa iyo degaanaduu u dhashay kana furo xisbi u olaleeya Somaliwayn.
Xisbigan WADANI ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira siyaasiyiin farabadan oo magac wayn ku leh Somaliland iyo Somaliya dhexdeedaba.
Siyaasigan mar aanu wax ka waydiinay sababta Buubaa uu u doorbiday Somaliland dhexdeeda inuu xisbigan Somaliwayn ka dhex furo waxa u ku jawaabay:
"Horta waa marka horee Buubaa waa nin siyaasi ah jecelna somalinimada wax walbana u hura siduu isugu keeni laha umada somaliyeed, waata labaade Hargaysi waa magaaladiisii waana halka uu ka so jeedo, waata sadexaade maanta waxaa ku yimi isbedel wayn siyaasadii Somaliland dhexdeeda taasoo u sahlaysa in uu ka hirgalo xisbigan Somaliwayn magalada hargaysa. Sidad la socotaan xisbiyo farabadan oo isdaba jooga ayaa lagu wadaa in lagaga dhawaaqo inta ka horeysa doorashooyinka somaliland ee inagu soo socda. Kuwaasoo ay ka mid yihiin xisbigan Qaran ee cusub, waxa kaloo isna hore uga sii dhawaajiyey lagana sugayaa inuu xisbi ku dhawaaqo Cabdilaahi Jawaan. markaa waxaan odhan karaa Buubaa markuu arkay Fursadaa qaaliga ah ayuunbuu ka faaidaystay. Umana arko in sharciga u ogolaaday xisbiyada kalee cusubi uu ka hor imankaro xisbiga Buubaa, waayo waa muwaadin somaliland ah sida dastuurka ku qoran." ayuu ku soo afjaray hadalkiisii Siyaasigaasi.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugaaba waa Xukuumada Rayaale, Kulmiye, iyo Ucid, maalmaha soo socda marka ay ka dhiibtaan aragtidooda ku aadan xisbiyadan qaarna lagu dhawaaqay qaarna inagu soo socdaan.
Somalilandembassy.com



