WAAGA CUSUB WAA FUNNY WAXEEY RABAAN ISKA SOO QORAAN DAAHIR WAXAA U MALEENA XASHIISHADUU CABAA
Xaafada ka mida Magaalada Muqdisho ayaa laga taagay calanka Jamhuuriyada Somaliland iyadoo sidoo kalana mehradaha ganacsiga Muqdisho qaarkood lagu dhejiyay sawirka Madaxweynaha Somaliland Dahir Reyaale Kaahin.
Siyaasiga Hawiye Cabdilahi Sheekh Xasan ayaa amaan balaaran u jeediyay Shacabka iyo Xisbiyadda Somaliland,wuxuuna sheegay in beelweynta Hawiye u hayaan abaal aan la iloobi Karin,uuna ku faraxsan yahay in manta Muqdisho uu ku arko calanka Somaliland oo ka dul ba’banaya.
“ Beesha Hawiye waxay beesha Caalamka ugu baaqee in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland,mida ku saabsan calanka gurigeeyga suran waligii ayuu surnaa,waana xusnaa runtii maalintii ay gooni isu taagtay Somaliland,cidii calankeeda ka soo horjeedana waxaanu leenahay KA NAX OO NAFTA WAAY,beelweynta Hawiye waxay Somaliland u aqoonsan tahay Jamhuuriyad mana aqbali karto shalay xasuuqay Siyaad Barre,maantana uu Xasuuqo Cabdilahi Yusufâ€sidaas waxaa yiri Hogaamiye Bashiir Raage Shiiraar oo u waramayay Waagacusub isagoo socdaal hoowleed ku maraya dalka koofur Afrika.
“ Somaliland waa dowlad aanu jaarnahay iyo dad aan walaala nahay sidaas ayaana u sababa inaan calanka Somalia iyo Somaliland is dhinac surno,waa dhab in reer koofureedka gaar ahaan beesha Hawiye hagratay Shacabka reer Somaliland laakiin jacaylka iyo kalsoonida ay noo hayaan walaalaheena Somaliland waxaa marqaati noogu filan sida qiimaha badan ee ay u qaabileen wiilashii laga celiyay Madaarka Gaalkacyo oo degaankoodii ah†ayay tiri Xalimo Sebriye oo ah hooyo aan wax ka waydiinay sababaha ay gurigeeda u dulsurtay calanka Somaliland
tilaabada dadka reer Muqdisho ay calamada ku suranayaan guryahooda ayaa ku began xilli odayaasha Hawiye guddi gaara u magacaabeen sameynta Puraposal ku socda beesha Caalamka oo ay ku dalbanayaan inaysan wax ka qabin in la aqoonsado dalka Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee taariikhda tan iyo markii Somaliland gooni isu taagtay lagu arko Muqdisho xaafado uu ka dul lalmanayo Calanka Somaliland




