War Deg Deg ah: Dagaal ka Dhacay Dhahar oo ay iskaga hor yimaadeen .....
Saaka dagaal ayaa ka dhacay Degmada Dhahar ee Bariga gobolka Sanaag, dagaalkaas oo aan illaa hadda la ogayn wax khasaare oo uu geystay.
Sida warar aannu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay iskaga horyimaaddeen dad u dhashay Degmada Dhahar oo iska difaacayey Duullaan kaga yimi dhinaca Puntland ka dib markii ay halkaasi gaadheen Wasiirka Waxbarashada iyo Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somaliland.
Waxay wararku intaa ku darayaan in ciidamo ay ka soo duuleen dhinaca Puntland si ay khalkhal u geliyaan weftigan laakiin arrintaasi ay difaaceen dadka ku dhaqan degmada Dhahar ee taageersan Xukuumadda Somaliland.
Wixii warara ee ka soo kordha dagaalka kala soco Shabakadda Sanaagweb.com





