".....Intey iska shabahaan Qadra Nuur iyo Ayaan Xersi?
Iyadoo ay Qadra Nuur leedahay saan-qaadkii Ayaan Xersi ayaa la isweydiin karaa waxyaabaha ay ka simanyihiin oo marka loo fiirsado meelo badan isaga mid ah:
Waxay ka simanyihiin inay yihiin Gabdho soomaaliyeed oo qaxooti ah, ka beensheega Waalidkii dhalay ee intaan soo gaarsiiyey, meel ka dhaca Diintii ay ku dhasheen ee ay dadkooduna heystaan, la noolaanshaha niman cadaan ah, ku noolaanshaha goob qarsoon oo boolisku uun ogyahay,buun-buunin xadkeedii dhaaftay oo ay ka helaan saxaafadda dalalka ay ku noolyihiin, bilado iyo abaalmarino ay ku kasbadeen wax ka sheega diinta Islaamka iyo inay nasiib u yeesheen inay ku noolaadaan nolol cabsi iyo ciriiri badan ka dib markii dil loogu hanjabay.
Gebagabadii, lama yaqaan wax waalay gabdhahan Soomaaliyeed ee ku qaaday inay magac iyo sharaf ku raadiyaan aflagaadeynta Diinta muqadaska ah ee uu Alle SWTC usoo dajiyey Dunida iyo dadka ku noolba. waxaan shaki ku jirin in qofkii Alle SWTC la xafiiltama uu ku dambeyn doono meel xun oo hoog iyo halaag badan.waxaan gabdhahan ugu nasteexeyn lahayn in Towbada Alle ay furantahay ka hor inta aan nafta laguu keenin rubadda ama aysan qoraxdu kasoo bixin halka ay u dhacdo. "
complete article on midnimo.com
http://www.midnimo.com/apr1/14_04_qadra ... arkood.htm