Iimaamka beelaha Hiraab oo taageeray hadalkii Salaad Cali Jeelle, sheegayna in..
Iimaamka beelaha Hiraab Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo shalay khudbo ka hor
jeediyay kulankii ay beelaha Mudullood ku lahaayeen labadii maalmood ee la soo
dhaafay hotelka Laf-weyne ee Waqooyiga Muqdisho, ayaa si dadban taageero ugu
muujiyay hadalkii wasiir kuxigeenka gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, inkastoo
Iimaamku uusan si toos ah carabka ugu dhufanin hadalka Mr. Jeelle.
Iimaanka ayaa markii uu khudbada jeedinayay waxaa kulanka fadhiyay ra’iisal
wasaaraha xukuumada KMG Prof. Cali Max’ed Geeddi oo isna khudbo halkaasi ka
jeediyay, wuxuuna Iimaamku sheegay in aysan jirin cid gaar ah oo loo dan leeyahay
balse la doonayo oo kaliya in taageero loo muujiyo dowladda, wuxuuse intaasi sii
raaciyay in aan wax lagu heleynin dhufeys la qoto iyo Afafka oo la duubto sida uu
hadalka u dhigay.
“Waxaan leeyahay beesha Hawiye kursigeedii waxaa ku fadhiya Cali Max’ed Geeddi cidii
dacwo ka qabtana isaga ha u timaado oo la hadasho, balse waxba lagu qaadi maayo
dhufeys la qoto iyo afafka oo la soo duubto†ayuu yiri Iimaamka iyadoo hadalkaasi
laga dhedhensan karo inuu ula jeedo koox gaar ah.
Sidoo kale, Iimaamka oo wax laga weydiiyay sida uu u arko odayaasha beelaha Hawiyaha
ayuu sheegay in odayaashaasi ay yihiin xubno ka tirsan Hawiyaha, balse aysan si dhab
ah u matalin, waxaana sidoo kale mar la weydiiyay Iimaamka sababta uu uga soo qeyb
gali waayay kulamadooda uu sheegay in aan loo yeeran “Hawiye dhaqan ayuu leeyahay
dhaqankana anigaa ugu sareeya, siyaasadana waxaa ugu sareeya Cali Max’ed Geeddi,
wixii kale ee jirana waan arkeynaa†ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.
Dhinaca kale, ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu
baaqay beeshiisa Mudullood inay taageeraan dowladda KMG Soomaaliya ayna ku soo
wareejiyaan maleeshiyooyinkooda iyo hubkooda “Waxaan idinka codsanayaa haddii ay
taageeradiina run tahay inaad dowladda ku soo wareejiisaan hubkiina iyo
maleeshiyooyinkiina, aadna noqotaan dadka ugu horeeya ee ka baxaya guryaha
bililiqada ah iyo goobihii dowladdu laheyd, si ay idiinkugu daysadaan kuwa kaleâ€
ayuu yiri ugu dambeyntiina.
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com




