Bad idea?....
Posted: Wed Apr 11, 2007 7:19 am
Gudigga beelaha Hawiye iyo horjoogayasha Ciidamada Kacdoonka Muqdisho ayaa isku afgartay in afar Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada hawiye ay la kulmaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya si xabad joojin rasmiya loola gaaro.
8 Subaxnimo ee berri ayaa lagu balansan yahay in afartaas Sarkaal iyo gudigga wada xaajoodka Hawiye ay si wada jir ah ula kulmaan Saraakiisha Itoobiyaanka.
Go-aankaan ayaa yimid kadib markii Saraakiisha Itoobiya ay codsatay in wada hadalada lagu soo daro Saraakiisha Ciidamada Kacdoonka si loo wada hadlo oo go-aan looga gaaro kala qaadista labada Ciidan ee is hor fadhiya.
Shaki badan ayaa ka jira suurtagalnimada in Saraakiishaas hor fariistaan Itoobiyaanka laakiin waxaa dhici karto in afarta la xulay ay noqdaan taliye hoosaadyo aan miisaan badan lahayn balse metelaya saraakiisha sare ee Ciidamada maxaa yeelay meesha lagu kulmaya ayaa ah taliska dhexe ee Ciidamada Itoobiya
http://www.waagacusub.com/11.04.07.9.htm