Ilo lagu kalsoonaa karo ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalkii manta ka dhacay Agagaarka Fagax uu ku dhaawacmay Wiil la dhashay Ra'iisul Wasaare Geeddi.
Ilahana ayaa inoo xaqiijiyay in dhaawaca soo gaaray wiilka la dhashay Ra'iisul Wasaaraha oo magaciisa lagu sheegay C/xakiim uu dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa oo ay rasaas ka haleeshay.
Dhaawaca C/xakiim Maxamed Geeddi ayaa la dhigay Cusbitaalka Keysaney ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in laga yaabo in dhaawaciisa maalinta burrito ah loo duuliyo Magaalada Nairobi.
Wararka aanu heleyno ayaa sidoo kale waxa ay tilmaamayaan in wiilka la dhashay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi uu ka mid ahaa ciidamadii ka tirsaneyd Dowladda ee dagaalka kula jirtay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.



