Boosaaso: Puntland oo ku dhawaaqday in ay deeq dawo ah gaarsiineyso isbitaalada Muqdisho.
12. April 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Boosaaso(AllPuntland)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in ay gargaar u fidineyso dadka Soomaaliyeed ee dagaalada ka dhacay Muqdisho ku waxyeeloobay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay deeq dawo ah siin doonaan isbitaalada magaalada Muqdisho oo ay jiifaan boqolaal qofood oo ku dhaawacmay dagaaladii Muqdisho, isagoo intaa raaciyay in ay bilaabeen diyaarinta iyo qaban qaabada deeqda la gaarsiinayo isbitaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xersi ayaa sheegay in arintaasi uu kala hadlay wasiirka caafimaadka Puntland oo qaban qaabada ku jira sida ugu dhaqsiyaha badana loo gaarsiin doono deeqdaas dawada ah.
Jen. Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlad goboleedka Puntland ay mar walba diyaar u tahay sidii ay qeyb ugu qaadan laheyd caawinta walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Boosaaso ayaa ugu mahad celiyay Madaxweynaha Puntland iyo shacabka reer Puntland gacan siinta dadka ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho ee jiifa isbitaalada Muqdisho.
Waana markii ugu horeysay ee maamulka Puntland deeq dawo ah gaarsiiso magaalada Muqdisho.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho




