Odayaasha dhaqanka beesha Hawiye ayaa ku dhawaaqay in gobollada ay degto beesha Hawiye ay ka hirgalin doonaan Maamul lamid ah kan Puntland isla markaana aysna soo fara galin karin xukuumadda FS.
Kulan odayaasha shalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay kaga hadleen qaabka dhibaatada looga kor qaadi karayo beesha Hawiye maadama Muqdisho oo hardanka ugu xun iminka ka socda ay inta badan degto beeshaasi.
Kulankasi oo ahaa mid aysan saxaafadda goob joog ka aheyn ayaa odayaal ku dhaw dhaw kulanka waxaa ay inoo xaqiijiyeen in looga wada hadlay qaabka maamul goboleed ay uga dhisi karayaan dhamaan gobollada ay degaan beesha Hawiye,si ay dowladda FS uga madaxbanaanaadaan.
Waxaa ay sheegeen odayaashu in dowladda FS aysna soo fara galin kareyn maamulkooda isla markaana uu yahay mid hab beeleed ku yimid sida kan ka jira Puntland,iyagana ay cidii ay doonaaan Madax kaga dhigi doonaan.
Waxaa la sheegayaa in laga yaabo maamul goboleedkaasi in ay u magacaabaan Madaxweyne Gudoomiyihi Golaha Fulinta Maxaakimta islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed,iyadoo dowladda Eritrea ay noqon doonto xukuumada ugu horeysa ee maamulaasi taageerta aqoonsatana.
Xubnaha kamid ah dowladda iyo Maxaakimta ee ku sugan maalmahan dalka Eritrea ayaa la sheegay in iyana ay baadigoob ugu jiraan dadaalo diplomaasiyadeed oo maamulkaasi taageero loogu helo hadii lagu dha




