War Degdeg ah: Ciidamadii iyo Wasiiradii somaliland oo ka Soo baxay Dhahar iyo wararkale
Warar deg dega oo aanu ka helnay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in dhammaan ciidamadii iyo madaxdii ku sugnayd magaalada Dhahar ay ka soo baxeen saaka iyada oo aan illaa iminka la garanayn waxa sababay.
Mar aannu la xidhiidhnay maamulka gobolka Sanaag ayaan wax tafaasiil ah naga siin waxa sababay arrintaa. dhammaan dadka ku sugan Somaliland ayaa arrintan aad uga cadhooday iyada oo aanay jirin wax qoraala oo ilaa iminka ka soo baxay xukuumadda Somaliland.
Waxaannu goor dhowayd la xidhiidhnay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland isaga oo noo sheegay inaanay illaa iminka jirin wax qoraala oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland loona fadhiyo arrintaa. Warar aan lagu kalsoonayn ayaa sheegaya inay weftigii Somaliland soo gaadheen goor dhowayd magaalada Xingalool iyada oo aan la hubin inay sii joogi doonaan iyo inay xagga ceerigaabo u soo dhaafi doonaan.
Wixii wara kala soco Sanaagweb.com
Author: Sanaagweb.com
Email: (ismailhm@hotmail.com)




