ar ku dhow dhow Xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu qadka Isgaarsiinta kula soo xiriiray madaxweynah maamulka Puntland oo ka codsaday in ciidamada Puntland ee Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah u soo diro Puntland si ay uga qeyb qaataan dagaalka Somaliland kala soo horjeeddo ee ka socda degaanka Dhahar.
C/llaahi Yuusuf isagoo qosol gariiraya ayuu ugu jawaab celiyey baa la yiri “Xaggeen kuu soo mariyaa ciidamada meel waliba Axmed Diiriyoo miiran baa fadhiya'eâ€, isagoo Axmed Diiriye ula jeeda xooggaga beelaha Hawiye ee ku firirsan Gobollada dhexe ilaa Muqdisho.
Muddo ka hor ayay ahayd markii ciidamo gurmad ah oo ka yimid Boosaaso si ay uga qeyb qaataan dagaalladii lagu waxyeeleeyay ciidamada C/llaahi Yuusuf ee Muqdisho ka dhacay lagu weeraray waddada degmada Cadaado oo askar badan looga dilay, hub iyo saanad ciidanna looga qabsaday.
Warku wuxuu leeyahay C/llaahi Yuusuf ilaa dhowr Boqol askari ayuu u diray shalay Puntland kuwaasoo la sheegay in la saaray diyaaradda Galad AirLines ee u kala gooshta Muqdisho iyo Gobollada dhexe.
Dagaaladii shalay ka dhacay Dhahar ayaa la sheegay in jab xoogan uu ka raacay dhinaca Puntland ,lamase oga sida uu suurtagal ku noqon karto in Ciidamo ka baxa Muqdisho ka dagaal galaan Dhahar iyo degaanada kale ee colaadaha ka aloosmeen.




