Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya halka ay u duuleen madaxweyne Yuusuf iyo Cali Mahdi oo saaka Muqdisho ka ambobaxay
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka ay u baqooleen madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf AXmed iyo guddoomiyaha gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Qaranka Cali Mahdi Max'ed.
Mas'uuliyiintan ayaa saaka safar qarsoodi ah uga ambobaxay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdiso iyagoo aan la ogeyn halka ay sida rasmi ah ugu began yihiin iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in mas'uuliyiintan ay gaarayaan magaalada Addis ababa ee dalkaasi Itoobiya.
Warar kale ayaa sheegaya in xubnahan ay u baqooleen dhinaca magaalada Baydhabo ee xarunta dowladda, iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa safarkoodan, iyadoo sidoo kalena xiriiro lala sameeyey xarunta madaxooyada ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan safarka madaxweynaha iyo halka uu ku sii jeedo.
Waa markii ugu horeysay ee safar ay Muqdisho kaga wada baxaan Cali Mahdi Max'ed iyo madaxweyne Yuusuf, wuxuuna safarkani ku soo beegmayaa xilli xalay ay dagaalo culus ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasoo ay dad ku dhinteen.
Xafiiska Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com