Dhaawaca Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo Muqdisho laga dhoofiyay.
Muqdisho, April 18, 2007 (HawiyeNews.com) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia ayaa xalay soo gaaray dhaawac aad u culus sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin Dowlada u dhow dhow.
Madaxweynaha ayaa la sheegay caloosha iyo lugta bixid inuu dhaawac kasoo gaaray, kadib markii xoogaga Hawiye ay madaafiic xalay la beegsadeen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia .
Madaxweynaha ayaa saakay si qarsoodi ah looga dhoofiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho, isagoo la sheegay inay raaceen wafdi uu kamid yahay Cali Mahdi Maxamed oo loo magacaabay Gudoomiyaha gudiga dib u heshiisinta qaran ee Somalia .
Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in lagu soo daaweyn doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia , isagoo diyaaradii uu saakay raacay ay usoo dirtay Dowlada Ethiopia .
Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf dhaawac uu kasoo gaaro magaalada Muqidsho.




