Gen. Cabdi Qaybdiid oo noqday Taliyaha Cusub ee Booliiska Soomaaliya iyo Safiiro la magacaabay
Posted to the Web Apr 18, 21:00
Muqdisho:(pp) - Kulan muhiima oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Gen. Cabdi Cawaale Qaybdiid loogu magacaabay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, jagadaas oo uu horay u hayn jiray Gen: Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madobe).
Gen : Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) ayaa isna waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzaniya. Waxaa kaloo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Siiriya dowladu u magacowday afhayeenkii dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Nuur Diiraani.
Waxaa kaloo dowladu u magacowday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ugandha Sayid Axmed Sheekh Aadan.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
E-mail:
Jantiile@gmail.com