Mogadishu 19, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo xoogan oo la isku adeegsanayo nuucyada kala duwan ee hubka fudud iyo kan culus iyo madaafiic lagu tuurayo goobaha rayidka ay dagan yihiin ayaa barqo nimadii maanta ka qarxay caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Dagaalkaan oo ka qarxay isgoyska Fagax iyo deegaanada ku hareersan ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay degmooyinka yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo tobanaan madfac ay ku dhaceen xaafado ka baxsan halka lagu dagaalamayo.
Lama oga sababta dagaalkaan uu u qarxay hasa ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata Taankiyo iyo gawaari kale lagu biiriyay ciidamadii dowlada ee horey halkaasi kula dagaalamayay xoogagga diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Somalia inkastoo wali aan la soo sheegin qasaaraha dagaaladaasi ka dhashay hadana waxaa iska cad in madaafiicda goobaha rayidka ugu dhacaya si aan loo meel dayin ay sababeen qasaaro nafeed.
Iska horimaadyadaan ayaa waxaa barbar socda madaafiic laga soo tuurayo wasaaradii hore ee G/dhigga, Kulyadda Jaalle Siyaad iyo xarunta Madaxtooyada.
Wixii ku soo kordha kala soco warar keena dambe
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net




