Afhayeenka golaha guurtida Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday inay saakay xoogaga kacdoonka si wayn u soo dhaweeyeen askartii ugu horeeysay ee Itoobiyaan ah isuna dhiibay.
Axmed Diiriye oo Waagacusub u waramayay wuxuu sheegay in askartaas isu dhiibtay xoogaga la siiyay magangalyo wanaagsan lana dejiyay degaan nabdoon si ay nasiino u qaataan isagoo dhinaca kale xusay in la soo dhaweeynayo askarta Itoobiyaanka ee sida uu sheegay garba duubka ugu dagaalamaya Xukumadda Melles Zenawi si ay u helaan xoriyad.
Axmed Diiriye oo xilliga uu waramayay taagnaa meel gurxanka rasaasta ay isku dhaceeysay wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tirada Ciidamadda Itoobiyaanka ee isu dhiibay.
Ciidamadda Itoobiyaanka ayaa dhibaato xoogan kala kulmay Muqdisho oo ay ku adkaatay sida ay uga dagaalamaan maadama aysan aqoon dariiqyada iyo degaanada ay ka dirir gelayaan,waxaana badankood ay ku dhamaadeen amaro kulul oo ay kala kulmaan Saraakiisha hogaamineeyso.
Tiradii ugu badneed ee Ciidamo Itoobiyaana ayaa iska dhiibay Yemen kadib markii ay u adkeeysan waayeen holaca kulul ee Muqdisho ay kala kulmeen sida uu Al Ayam news paper yemen u sheegay sarkaal sare oo u waramayay Wargeyska isagoo caagii uu ku dabaashay barkan.
Racii labaad ee askar itoobiyaana ayaa Muqdisho kaga baxsaday doon kadib markii amar ka soo baxay Melles Zenawi uu ku sheegay in la dilo korneylkii laga dareemo dib u gurasho iyo guuldaro dhinaca dagaalka ah.
Waxaa jira cabsiya badan oo la xiriiro dagaalkii Ereteria iyo Itoobiya inuu dib u qarxo iyo dagaal kale oo ka dhex qarxa Somaliland iyo Puntland.




