Page 1 of 1

Guri Uu Daganaa Jan. Morgan Oo Hoobiya Lagu Garaacay

Posted: Sat Apr 21, 2007 3:40 pm
by Lacageylacag
Dadka dagan guryaha ka ag dhaw Villa Somaliya ayaa laga soo xigtay in guriga Jan. Morgan laga soo bixiyay dhaawac fara badan iyo maydad, waxana loo badaniyaa in gurigaas ay ku shirsanaayeen saraakiisha Itoobiya iyo kuwa dowladda dabodhilifka ah ee Embagathi. Ciidamada Itoobiya oo maanta soo qaaday weerarkii ugu balaarnaa ayaa la kulmay jab wayn kadib markii ciidamada kacdoonku ay caabiyeen weerarkaas. Xarumaha Villa Somaliya, Wasaarada Gashandhiga, Digfeer iyo xarunta Gaadidka Boliska ee degmada Cabdulcasiis ayaa waxa ku dhacay madaafiic iyo hoobiyayaal culculus oo ridayeen ciidamada wax iska caabinta ee Muqdisho.