Warar lagu kalsoonyahay oo aan mardhow ka helnay Magalada muqdisho ayaa sheegaya in ay Ciidamada Kacdoonka ee la dagaalamaya Itoobiya ay qabteen 55-askari iyo taliyahoodi, waxaana la sheegayaa in ay ciidamada kacdoonka isku qilaafeen sidii loola dhaqmilaa Ciidamadan, waayo dadka qaar ayaa waxay leeyihiin hala Dilo, dadka qaarna waxay leeyihiin yaan la dilin, warar kale ayaa waxay leeyihiin Ciidamadan Itoobiya waa kuwo isu dhiibay Ciidamada Kacdoonka.
Dagaalo XASUUQ ah oo aad loogu baaba’ay ayaa ka socda dhamaan magalad muqdisho, dadkii shacabka ahaa ee ka qaxayey magalada ayaa loo diiday in ay kabaxaan magalada.
Wixii dheraad ee ku soo kordha dagaladan waan soo sheegi doonaa insha’alaah.




