Cali Maxamed Geeddi oo ah Ra’isulwasaaraha Cabdilahi Yusuf oo isagoo cabsi ka muuqato shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Muqdisho ayaa butaacay eraya hor leh oo ay xishood la’aan iyo damiirnimo xumo ka muuqatay kadib markii uu ku dhawaaqay in dagaaladda Muqdisho ,Kismayo iyo dhahar ay yihiin kuwa isku mid ah oo ay wadaan waxa uu isaga u yaqaan argagixiso.
Ra’isulwasaaraha dowlada Mbagathi Cali Maxamed Geeddi oo codkiisa laga baahiyay Idaacadaha Muqdisho ayay dad badan la yaabeen ,waxaana la sheegay inuu ku hadlay afka Cabdilahi Yusuf oo ku amray in Somaliland uu Geeddi ku daro liiska argagixisada maadama ay dagaalka kaga adkaatay Wiilasha Maxamud Saleebaan ee Garowe ka soo duulay.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Geeddi oo ah mid daaha ka rogaya cadowtinimadda Cabdilahi Yusuf u qabo dhamaan intii danahiisa guracan ka soo horjeeda gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah mid dhinaca kale digniin u ah Somaliland oo lagu leeyahay fadhiga ka kaca.
Hadalka Geeddi ayaa ku began xilli ninka sheegta inuu afhayeen u yahay adeerkii Cabdilahi Yusuf ee lagu magacaabo Xuubsireed uu ku hanjabay in Hargeysa dib loogu celin doono sanadihii 1988 –dii hadii aysan taageerin Dowladda Mbagathi ee gabalkeedu dhacay.
Xuubsireed oo ah Tifaftiraha Idamale.com ayaa Waagacusub la soo xiriiray dhowr mar isagoo wariyaasha ugu hanjabay in waxa uu u yaqaan dowlada Federalka gaar ahaan nabad sugideeda tilaabo ka qaadeeyso hadii aanan iidheh loo sameyn Cabdilahi Yusuf .
Xuubsireed wuxuu Muqdisho ku xiray qaab shirqool ah sedex Wariye oo u shaqeeynayay Tv-ga Caalamiga ah ee Universal ,waxaana sedexdaas Wariye oo wali jeelka Dowlada Aargoosiga ku xanuunsanaya ka mida Agaasimahii Telefishinkaas ee Muqdisho Cabdiqaadir Maxamed Cashir Nadaara.
Ina Xuubsireed oo Muqdisho ka degan Hotelka martida Cabdilahi Yusuf ee la yiraa Ambassador tan iyo markii uu Muqdisho yimid waxaa istaagay oo war la’aan noqday website-ka uu Tifaftiraha ka yahay ee Idamale,taas oo dayacday wararkii dacaayada ahaa ee beelaha Soomaaliyeed.





