http://www.soomaalinews.com/view_page.p ... cleid=4278
Kulan ay maanta odayaasha Beelaha hawiye ku yeesheen magaalada Muqdisho,ayaa waxa ay kaga hadleen hadalkii ka soo yeeray RW Ethiopia Males Zenawi oo sheegay in ciidamadiisu ay dagaal kula Jiraan Beesha Ceyr oo ka mid ah Beelaha Hawiye.
Afhayeenka Beelaha hawiye Axmed Diiriye Cali oo shir jaraa’id qabtay ka dib kulanka Odayaasha Beelaha hawiye,ayaa waxa uu Been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray males zenawi.
Axmed diiriye waxa uu sheegay in Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho uu ka dhaxeeyo beelaha Hawiye iyo Ciidamada Ethiopia ee ku soo duulay dalka soomaaliya iyo maleeshiyo Beeleedka reer Puntland ee ka soo jeeda C/laahi yuusuf,oo xasuuq iyo barakicin ku haya shacabka ku abtirsade Beelaha Hawiye ee ku nool Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Beelaha hawiye waxa uu ku baaqay in beesha caalamka u soo dirto gudi xaqiiqo raadin ah gumaadka iyo barakicin xabashida ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Axmed diiriye waxa Edeyn kulul u jeediyay Urur goboleedka IGAD gaar ahaan dowlada Ethiopia,Kenya iyo Uganda oo isku baheystay xasuuqa umadda soomaaliyeed,sidoo kale waxa uu baaq u diray dowlada Djabuuti,sudan iney qaataan Mowqifkii dowlada Eritrea ay ka qaadatay ka mid ahaan shaha Urur IGAD.
Afhayeenka Beelaha hawiye waxa kaloo uu ugu baaqay 61da xubnood ee belaha hawiye ugu jira dowlada Kmg iney qaataan mowqifka ka dhan ah dowladda Somali.
Axmed Diiriye ayaa waxaa uu sheegey in Uganda Gawaari dagaalay ugu yaboohdey dagaallada Muqdisho ciidamada Ethiopia.
Waxaa uu sheegey in Madaxweyanha Somalia Cabdullaahi Yuusuf uu ka dhaadhiciyey Melez Sanawi in ciidamadii Dagaalka Ba’an la galley ciidamadiisa 1977kii ay ahaayeen beelaha hawiye in ta badi sidaasina uu doonaayo in uu ka aarguto hadda si Cabdullaahina uu ugu aarguto dagaal Beeleed dhex marey qabiilka uu ka soo jeedo iyo midka Hawiyaha 90meeyadii.



