Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dagaal qaraar oo ku fiday deegaano hor leh ayaa maalintii si

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Dagaal qaraar oo ku fiday deegaano hor leh ayaa maalintii si

Postby Enemy_Of_Mad_Mullah » Thu Apr 26, 2007 11:35 am

Muqdisho, Khamiis, April 26, 2007 Simba Radio

Dagaal qaraar oo ku fiday deegaano hor leh ayaa maalintii sideedaad ka socda caasimada Somalia ee Muqdisho.

Dagaalkaan oo ka socday qeybo fara badan oo magaalada Muqdisho kamid ah ayaa saakay ku fiday deegaano ay kamid tahay agagaarka Warshada Xeyla Bariise.

Dagaal culus ayaa ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda saakay uu ku dhex marayaa agagaarka Warshada Xeyla Bariise ee degmada Huriwaa.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu saameyn xoogan ku yeeshay agagaarka Ex-Ctrl Balcad iyo deegaanka Huriwaa iyadoo ay jiraan madaafiic aan kala go'o laheyn oo lagu garaacayo agagaarahaasi.

Sidoo kale, dagaalada ayaa waxa ay ka soconayaa isgoosyka hotel Toowfiiq iyo agagaarka stadium Muqdisho, iyadoo dagaaladaan ay sababeen barakac aad u fara badan.

Dagaalka ayaa barbar socda madaafiic xoogan oo lagu garaacayo qeybo fara badan oo magaalada Muqdisho kamid ah.

Saakay ayaa Madafac waxa uu ku dhacay agagaarka Carwa Idka qeybta warshadaha bakhaaro halkaasi ku yaalay.

Bakhaaradaan ayaa lagu gadi jiray qalabka Dhismaha iyo suntada Cayayaanka, waxaana gabi ahaanba baaba'ay hantidii halkaasi taalay

Ilaa hada lama ogaan karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka maanta socda sababay sababo la xiriira dagaalka oo aad u kulul isla markaana dhamaan Muqdisho gil gilay.

Ma jirto wax guulo waa weyn oo labada dhinac dagaalka ka gaareen, waloow dhinac walba uu sheegayo in dhinaca kale uu qasaaro u geystay.

Wariye Cabdiqaadir Cali Dige oo ka tirsan Simba oo booqday aagagii ay maalmahaan labada dhinac ku dagaalamayeen gaar ahaan Toowfiiq ayaa soo sheegay in guud ahaan xaafada Toowfiiq uu burbur xoogan soo gaaray, isagoo sheegay inuu indhahiisa ku arkay meydad aad u fara badan oo u badan dadka rayidka ah oo xaafada dhex daadsan.

Cabdiqaadir waxuu sidoo kale sheegay in meydadka la dareemayo inay mar hore dhinteen isla markaana muddo ay halkaasi yaaleen iyadoo aysan jirin ilaa iminka cid qaadeysa meydadkaasi.

Suuqa Toowfiiq ayuu Wariyaha soo sheegay Taangi ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo halkaasi ku sugan, iyadoo goob walba oo ay ciidamada Ethiopia qabsadaan ay ugu tagayaan ciidamo Dowlada KMG ah ka tirsan oo wata tuutaha ay caanka ku yihiin.

Hotelka Bin Cali oo ku yaalay agagarka hotel Toowfiiq ayaa Wariyaha uu soo sheegay inuu burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo ay dumeyn qeybaha kore ee hotelka.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 84 guests