Report;The fighters in Ex-control got brided
Posted: Thu Apr 26, 2007 1:28 pm
Qaar ka tirsan horjoogayaasha xoogaga Kacdoonka Muqdisho ayaa Waagacusub u sheegay in lacag dhan nus milyan Dollar la siiyay qaar ka tirsan xoogagii ka dagaalamayay degaanada Jamhuuriya iyo Ramadaan taasna ay riixday inay si dhib yari ah uga baxaan degaanka oo ay Itoobiyaanka xoog ku jiiraan Ciidankii tirada yaraa ee daacadnimada u dagaalamayay.
Horjoogayaasha oo codsaday inaan magacooda la xusin waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay is dejiyaan oo isku kalsoonaadan,iyagoo dhinaca kalana xusay inaysan jirin guulo ay gaareen Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kuwa Cabdilahi Yusuf marka laga reebo inay qabsadeen jidka dheer oo ay ku tilmaameen badweyn ay dhex sabeeynayaan.
Warar hoose oo gelinkii dambe soo baxay ayaa tibaaxay in lacagtaas laaluushka ah ay bixiyeen Cali Maxamed Geeddi iyo Salaad Cali jeelle Waloow aan la ogayn cidda u soo dhiibtay.
Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal lixaadleh oo ay ka qaybqaadanayeen diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan AC130 kuwaas oo subaxnimadii hore si ba'an u garaacay jiidaha ay difaaca kaga jiraan xoogaga kacdoonka Muqdisho,waxaa kale oo ay buufiyeen sun hindhisyo iyo ilmeeyn wadatay.
Xoogaga kacdoonka waxay wali difaac kaga jiraan Hotelka Isbartiibada,towfiiq,Ifka Xalan,Cali Kamiin,Saldhigga Wardhiigleey,Shiirkole,Gaashandhigga,Tarabuunka iyo Geed Jacayl.
Gantaalo xoogan ayaa la xaqiijiyay inay diyaaradaha Mareykanka ku garaaceen Jaamacada Muqdisho ee agagaarka khabuuraha Barakaat,waxaa kale oo dagaalo qaraar ay ka curteen agagaarka Km4 ,iyadoo weeraro isla mida ay Xoogaga kacdoonka ku qaadeen Hotelka Saxafi iyo Ambassador oo ay ku shirayeen Saraakiil Itoobiyana iyo kuwa Dowladda Cabdilahi Yusuf.
Dagaalka waxaa la soo wariyay inuu saameeyay taleex iyo gudaha Baramuudo.
Wax khasaaro ah kama soo bixin wali dagaaladaas caawa qarxay