Dowlada Federaalka oo biloowday inay raashin mucaawino u qaybiso dadyoowga ku barakacay dagaalada Muqdisho
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 24/04/07
dadweyne kasoo qaxay deegaanadooda oo loo qeybinayo raashin bariis iyo bur
Dowlada federaalka kmg ee Somalia ayaa maanta biloowday inay raashin mucaawino u qaybiso dadweynihii kasoo barakacay dagaalada Muqdisho ka soconaya iyagoo deegaan ahaan degay Wasaaradii hore ee arrimaha gudaha, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Sayid Aadan.
Wasiiru dowlaha ayaa saxaafada u sheegay in mucaawinadan ay tahay tii ugu horeysay ee loo qeybiyo dadka ku barakacay dagaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in aysan ahan tii ugu horeysay oo ay gaarsiin doonaan goobaha ay degan yihiin shacabka Soo barakacay taasoo u afka ku dhuftay inay geeynayaan daafaha Magaalada Muqdisho oo ay joogaan dadweyne kor u dhaafaya ilaa kumanaan ka tagay guryahooda.
Wasiirka ayaa beesha caalamka ka codsaday in kaalmo ay lasoo gaaraan shacabka ku dhibaataysan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho wuxuuna xusay in dowlada ay soo dhaweynayso mucaawino loo fidiyo shacabkeeda.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle wuxuu isna ka hadlay xaalada dagaal ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in dagaalkii intooda badan soo afjarmeen inta dhimana maalmaha soo socda lasoo afjari doono wuxuuna sheegay in dadweynaha guryahooda kusoo noqdaan.
Mr. Jeelle ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay kaalmo lasoo gaaraan kumanaanka qofood ee la ildaran gaajada iyo cudurada wuxuuna ku wargaliyey hay'adaha deeq bixiyeyaasha inay dowlada la shaqeyn doonto isla markaana ay sugi doonaan amaankooda goobaha ay u qaybinayaan raashinka mucaawinada ah.
Dowlada federaalka oo aan haysan dhaqaale buuran ayaa hadana waxay dadweynaha Soomaaliyeed ugu deeqeen $200.000 laba boqol kun oo doolar oo raashin iyo daawo loogu soo gado iyadoo loo qeybin doono maalmaha soo socda waxaana loo xil saaray wasaarada arrimaha gudaha iyo hay'ada Qaxootiga Qaranka.
Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Md. Maxamud Sayid Aden
Maxamed Cabdulle Xasan (Siidi)
siidmohamed@hotmail.com
siidi@somaliweyn.com
Somaliweyn Media Center
Muqdisho - Somalia




