it aint over yet but this is some more evidence in TFGs incompetence....
http://mudugnet.com/News/2007/April/New ... ybdiid.htm
Cabdi Qeybdiid Appoint 200 HG as Police to Guard Bakaaraha and surrounding area after Puntland and other Burcads tried to robb the Biggest market in Somaliya...
--------------------------------------------
Colonel Cabdi Qeybdiid iyo ganacsadatada Suuqa Bakaaraha oo ka wada hadlay Amniga gobaha ganacsiga.
MudugNet, Muqdisho. Jimce, April 28, 2007.
Taliyaha Cusub ee ciidamada Booliska soomaaliyeed Colonel Cabdi xasan Cawaalle Qeydiid ayaa sheegay in ganacsatada Gobolka Banaadir taliska Booliska ay ka wada hadleen sugida amaanka suuqa weyn ee bakaaraha iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidamo isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya amniga Suuqa.
Colonel Qeydiid ayaa tilmaamay in kulan uu xalay la yeeshay ganacsatada Gobolka Banaadir ay isku afgarteen,in 200 ciidan ay keenaan ganacstada oo suga amaanka,kuwaasi oo la diwaan galin doono iyaga iyo Hubkooda.
Howlgal wada jir ah ayay suuqa ka sameyn doonaan Ciidamada Booliska iyo Ciidamada ganacsatada Suuqa Bakaaraha si looga hortago Burcada iyo Kuwa doonaya iney Boob iyo biliqo kula kacaan Hantida shacabka ayuu yiri Colonel Qeydiid oo saxaafadda kula hadlayay mgaalada Muqdisho.
Kulanka dhex maray taliyaha Booliska iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa timid ka dib markii Biliqo xoog leh ciidamada Dowlada Kmg qaarkood iyo Kooxo burcad ah ay kula kaceen Goobihii ay ka baxeen xoogaga wax iska caabinta.
Ciidamada Booliska ayaa maanta la wareegay isgoosyo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, sida isgooyska Howlwadaag iyo isgooska bakaaraha iyadoo ay weheliyaan Ganacsatada Deegaanka.
Waxaa sidoo kale dib u furmay maanta isku socodka gaadiidka wadooyinkii ku xirmay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mudugnet-News




