Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

REASONS FOR WHY THE KACDOONKA SHACABKA ARE SILENT

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

REASONS FOR WHY THE KACDOONKA SHACABKA ARE SILENT

Postby Hiiraan boy » Sat Apr 28, 2007 3:55 pm

AND LEFT THEIR AREAS

I'M DISAPPOINTED Crying or Very sad Crying or Very sad Crying or Very sad Crying or Very sad Crying or Very sad Crying or Very sad


[Somaaljecel News Network} Muqdisho:- Dagaalladii 9-ka maalmood ka socday magaalada Muqdisho ee khasaaraha ugu badan ee dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed geystay ayaa si kedis ah maalinnimadii Khamiista oo ahayd maalintii 9-aad u joogsaday.

9-ka maalmood ee uu socday dagaalka ayay ciidamada labada dhinac ee Itoobiyaanka iyo kooxaha ka soo horjeeda isla dhaafi waayeen goobihii ay ku dagaalamayeen oo wax guullo ah ay dagaalka ka soo hoyn waayeen dhimasho iyo dhaawac labada dhinac asiibtay mooyaane, balse maalintaas 9-aad oo ahayd Khamiistii ayaa mar qura laga war helay ciidamada Itoobiya oo soo jiiray kooxihii dagaalka kala soo horjeeday iyagoon wax iska cabin ah la kulmin, iyagoo soo gaaray waddada Ex.Koontarool Balcad, isla markaana gaaray xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, waxaana mar qura istaagay rasaastii labada dhinac isweydaarsanayeen, marka laga reebo Isgoyska Towfiiq ee Miisaanka dhuxusha oo waxooggaa is rasaaseyn saacado socotay ay ciidamada labada dhinac isweydaarsadeen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta isbedelka ku keenay dagaalka oo mar qura istaajisay, kadib markii ciidamada labada dhinac ay guullo ka gaari waayeen dagaalka, waxaana jira warar sheegaya in farsamo dibadda lagu soo bisleeyay oo ay ku lug lahaayeen quwado kale iyo rag Soomaali ah lagu dhammeeyay dagaalka, isla markaasna si guud loogu heshiiyey in dagaalka la joojiyo oo qeybi meesha ka baxdo, taasoo shaqeysay kadib markii mar qura la waayay xooggagii kacdoonka oo isaga baxay aagagii ay ka dagaalamayeen.

Dhanka kale waxaa jira warar u muuqda kuwo lagu qancinayo kooxaha aan la socon heshiiskaa lagu soo afjaray dagaalka oo loo sheegay in lakala jebiyey siyaasad ahaan qaar ka mid ah xooggagii ka soo horjeeday ciidamadii Itoobiya oo qaarkood lacago culus la siiyey, kadibna ay aagga soo gala Ex. Koontarool Balcad ee ku dhow Warshaddii hore ee Burka Baastada ay u banneeyeen ciidamada Itoobiya, balse taasi waxaa wax kama jiraan ka dhigaya sababta xooggagii kale ee aagaga kale fadhiyay iyagana looga saaray fariisimadooda.

Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa xerooyinka kale ee Muqdisho ayaan iyaguna goobahooda ka soo bixin oo wax dagaal ah aan soo qaadin, sida kuwii ku jiray Kuliyaddii Jaalle Siyaad, Wasaaraddii gaashaandhiga, dhismaha Jaamacadihii Muqdisho, iyo xarumaha kale ee ay joogaan, sidoo kale waxaa mar qura joogsaday Madaafiicdii cusleyd ee ay xaafadaha Muqdisho ku garaacayeen Ciidamada Itoobiyaanka, halka xooggaga kacdoonka ee fariisimada kale ee Muqdisho joogay aanay wax dagaal ah qaadin, taasoo muujineysa heshiis xabbad joojin guud ah oo labada dhinac ay wada gaareen.

Sidoo kale Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu subaxnimadii Khamiistii qabtay xilli ciidamada Itoobiyaanku aysan weli gaarin Ex. Koontarool ku sheegay in guud ahaan dagaalka la soo afjaray, taasoo layaab dadka Muqdisho ku keentay, daqiiqado kadibna markii uu shirkii jaraa’id dhammaaday ayayna Ciidamada Itoobiyaanku gaareen Isgoyska Ex.Koontarool.

Iyadoo weli aysan dhicin in mas’uuliyiinta dowladda KMG ay ku dhiiradaan inay saxaafadda ugu baaqaan inay geeyaan goobaha dagaalladu ka socdaan oo markii ciidan meel qabsadaba dib loo riixayo oo laga qabsanayo ama la durkinayo ayay mas’uuliyiinta dowladda KMG waxay isla markiiba ay ciidamada Itoobiya tageen Ex. Koontarool Balcad ay halkaasi geeyeen saxaafadda, waxaana shir jaraa’id halkaasi ku qabtay wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo sheegay in dagaalku joogsaday, kooxihii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ka soo horjeedayna laga awood roonaaday.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu ku soo dhiiraaday imaanshaha Muqdisho maalin kadib markii dagaalka uu hakaday, iyadoo uu madaxweynaha Muqdisho isaga baxay markii uu dagaalka bilaabanayay, isagoo u dhexeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya, waxayna imaanshihiisa Muqdisho muujineysaa in uu wax badan ka ogyahay in dagaal dambe uusan ka dhacaynin Muqdisho, sidaasna uu Muqdisho si kalsooni leh u yimid.

Sidoo kale waxaa mar qura hadalkoodii la waayay Odayaasha beelaha Hawiye oo mar kasta warbaahinta kala hadli jiray dadweynaha oo ay la socodsiinayeen hadba meesha dagaalladu marayaan, iyo heshiisyada ay isugu yimaadaan saraakiisha Itoobiya iyo odayaasha Hawiye wixii ka soo baxa, iyadoo kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan labada dhinac ay odayaasha Hawiye wax warbixin ka siinin dadweynaha Muqdisho wixii ka soo baxa, taasoo layaab ku noqotay dadweynaha.

Marka dhammaan arrimahan oo dhan qiimeyn lagu samayso waxaad ogaanaysaa inuu jiro heshiis dagaal joojin ah oo ay labada dhinac gaareen, iyadoo la isku afgartay in dhinac ka mid ah kooxaha iska soo horjeeda ay goobta ka baxaan, gaar ahaan kooxaha kacdoonka wada.

Warar kale ayaa sheegaya in diplomaasiyiin ka tirsan dalalka Mareykanka iyo Yurub ay arrinta joojinta dagaalka Muqdisho kaalin weyn ku lahaayeen, kuwaasoo labadii maalmood ee ugu dambeysay xiriiro joogto ah la soo sameeyay kooxaha dagaalka ka waday Muqdisho, isla markaana ogoleysiiyey hakinta dgaalka.

Si kastaba dagaalku haku joogsadee dowladda KMG ayaa iyadu ku doodeysa inay ka adkaatay kooxihii ka soo horjeeday, laakiin waxaa xaqiiqo ah marka la eego qaabka dagaalku u soo gabagaboobay ama awoodi ha jirto ama farsamo kale ha jirtee in ay jiraan wax aan caadi ahayn oo keenay in dagaalku uu hal mar istaago.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhaca ayaa waxaa waxaa ku naf waayay dad u dhexeeyay Kun ilaa 600, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan Kun ruux, Boqolaal kun oo ruuxna ay ku barakaceen, inkastoo ay jiraan hay’ado iyo dad kala duwan oo ka badinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca intaas, halka Odayaashii beelaha Hawiye ay ku tilmaameen in dadka barakacay ay ka badan yihiin hal milyan iyo 500 qof, dhimashaduna ka badan yahay 2kun, dhaawucuna dhowr Kun oo kale.

Dagaalladan oo ahaa kuwii ugu qaraaraa ee abid ka dhaca dalka Soomaaliya ayaa waxa dhinaca kale ay keeneen burbur xoog leh oo soo gaaray guryaha, dhaqaalaha, isu socodka gaadiidka iyo nolosha dad badan oo magaalada ku haray oo qatar weyn ay soo wajahday, iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii kordheysay cabsida dadku ka qabaan sida ay dagaalladaas uga badbaadi karaan, maadaama la adeegsanayay madaafiic aad u xoog badan oo masaafo dheer wax ka dileysay.

Waxaa burburay dhismayaal badan iyadoo kuwo kale ay soo gaartay waxyeello xoog leh oo ay adag tahay qaarkood in dadka ay dib ugu soo laabtaan, qaar kalena ay ilaa hadda weli hoy u sii tahay ciidamada Itoobiya, kuwo kalena loo geystay bililiqo oo xitaa guryaha rayidka la boobayo.

Dagaalladan oo aan waxba la isula harin ayaa todobaadkii ugu dambeeyay waxay waxba kama jiraan ka dhigeen wixii dhacay wixii ka horreeyay marka loo eego xoogga dagaalka, dhulalka uu saameeyay iyo khasaaraha ka dhashay.

Inkastoo inta badan maalintii 8-da ahaa ee dagaalka xooggiisu ka socday Muqdisho uu meelo badan dagaalku ka socday haddana labada dhinac midkoodna awood dheeraad ah oo uu dhul cusub ku qabsado ma helin, iyadoo maalintii Isniintii aynu soo dhaafnay ay ahayd maalintii ugu ba’nayd ee dagaal ay foodda is daraan labada dhinac ee Muqdisho, dhimashaduna ay aad u badnay maalintaas oo aan cidina waxba la harin hadday ahaan lahayd ciidan iyo hub intaba waxaana gabalku dhacay iyadoon midkoodna wax horumar ah dagaalka ka samayn.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu dagaalka hal maalin uu isbedel xoog leh u dhacay, iyadoo aanu sii jiitimin oo meelaha qaar aanu ka sii socon markii hal meel uu ka istaagay, iyadoo laga cabsi qabay in goobaha kale ciidamadii ku jiray ay sii dagaalamaan hase ahaatee ma dhici taas.

User avatar
Koronto91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4191
Joined: Sat Aug 05, 2006 12:20 am
Location: Coney Island

Re: REASONS FOR WHY THE KACDOONKA SHACABKA ARE SILENT

Postby Koronto91 » Sat Apr 28, 2007 3:59 pm

They are silent, just like the insurgents were silent in Iraq for the first few months after Saddam was toppled. It's a human nature to watch and study. This shyt isn't over yet. Any buffoons who thinks the Mbagathi ass-holes have won is surely a simpleton.

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: REASONS FOR WHY THE KACDOONKA SHACABKA ARE SILENT

Postby Sadaam_Mariixmaan » Sat Apr 28, 2007 4:03 pm

listen to me after behead me Crying or Very sad

my Mujahadeens were studying the Kufar's motives and actions Cool


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 64 guests