Does anyone know the actual figures of those who left Xamar? Some say it was 300,000 others say 1 million, And apparently is the biggest displacement this year.
__________
Dad Ku Tabaalaysan Magaalada Laascaanood
(Laascaanood}29.04-07
Waxaa magaalada Laascaanood ku sugan Boqlaal dad ah oo ka soo barakacay dagaalada muqdisho Dadkan ayaa waxaa ka muuqda diif iyo daal qaar koodna ay qabaan dhaawacyo ka soo gaadhay madaafiicdii sida xoogan laysugu waydaarsanayay gudaha magaalada muqdisho.....................................
Boqolaal qoys oo ah dad ka barakacay magaalada Muqdisho ayaa macluul ku haysa gobolka Sool, halkaasi oo xaalado nololeed oo aad u liita ay kusoo wajaheen.
Kooxo mutadawaciin ah ayaa maanta ku dhiira galinayay dadweynaha Reer Laascaanood inay u gar gaaraan dadka kasoo qaxay Muqdisho ee gobalka dhibaatooyinka xoogan ku geystaan.
Dadweynaha ka qaxay Muqdisho ee gaaray gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa halkaasi ku heysta dhibaatooyin xoogan taasoo sababtay in qaarkood ay banaanada ku geeriyoodaan markii cuduro kala duwan ay ku dhaceen.
Widhwidh Online News Desk..Media Center
Xafiiska laascaanood



