Kala Qaybsan Siyaasadeed Oo Durba Soo Kala Dhex Galay Duqa Magaalada Muqdisho Iyo Taliyaha Ciidanka
Warkii 30-Apr-2007 iyo Qormadii: faytin
Khilaaf siyaasadeed oo xoogan ayaa durba soo kala dhex galay labada masuul ee kala ah maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere ) iyo taliyaha cusub ee ciidanka booliska soomaaliyeed cabdi xasan cawaale qaybdiid .
KHilaafkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xaalada amniga magaalada muqdisho iyo weliba sidii loo qaramayn lahaa milasyhiyada hubaysan ee ganacsatada ee 16-kii sano gacanta ku hayey amaanka shirkadaha ganacsiga iyo suuqyada waaweyn ee magaalada caasimada ee muqdisho oo uu kamid yahay suuqa weyn ee bakaaraha.
warar xog ogaal ah oo aan ka helnay dad kamid ah ganacsatada magaalada caasimada ah ee muqdisho oo aan magacyadooda la shaacin ayaa noo xaqiijiyey inay jiraan dadaalo xoogan oo lagu doonayo in la qarameeyo milasyhiyada ganacsatada si aan cidla looga helin hantida dadka ganacsatada inta ay dowlada KMG ahi salka si wanaagsan u dhiganayso .
Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya inay labada masuul isku qabteen qaabka amniga caasimada loo wajahayo islamrkaana nin kastaaba masuuliyada amniga isa siiyey ,balse warar dheeraad ah oo laga helayo xarunta madaxtooyada ay sheegayaan inay labadan masuul uu soo kala dhex galay madaxweynaha Dowlada KMG ah c/laahi yuusuf oo sida la sheegay u kala tilmaamay tilmaamay shaqadooda oo duqa caasimada waa maxamed dheere la sheegay in uu madaxweyne yuusuf u sheegay inuu howlaha nadaafada ,canshuuraha IWM ku wajahay halka uu col,cabdi xasan cawaale qaybdiidna dhinaca amniga u xil saaray .
wararka ayaa intaas ku daraya inay jiraan howlo dhinaca amaanka shirkadaha ganacsiga milayshiyada ilaalada ka ah loo qaybiyey kaarar si aysan u dhicin in lagu soo xad gudbo .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili maalin sadexaad kulan dhex maray taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed col,qaybdiid iyo midowga ganacsatada gobolka banaadir islamrkaana ay isla lafa gureen xaalada amaan ee maanta loo samata bixin karo ganacsiga maadama lasoo maraya dagaalo qaraar todobaadyadii lasoo dhaafay oo ka socday caasimada muqdisho oo u dhexeeyey xoogaga wax iska caabinta iyo ciidamada huwanta ee dowlada KMG iyo kuwa Ethiopia islamrkaana laysku afgartay.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
info@afnugaal.com



